BASAAS U ADEEGAAYEY IMAARAATKA OO LA QABTAY.
Talaado(10/20/20)-ka,sida uu sheegay Tv-ga dalka Turkiga(TRT) maanta oo Talaada ah sirdoonka dalka Turkiga ayaa ku guulaystay ineey soo qabtaan shaqsi lagu tuhmaayo inuu u basaasaayey dalka Imaaraatka Carabta ka dib markii eey ciidamadda sirdoonka dalka Turkiga eey hawlgal ka sameeyeen gudaha dalkaas. Sida laga soo xigtay Tv-ga dalka Turkiga(TRT) shaqsiga la soo qabtay ayaa ah mid wata dhalashada dalka URDUN asala aahnse ah Falastiini,shaqsigaan ayaa ururinaayey macluumaad u dan ah dalka Imaaraatka Carabta kuna saabsan dalka Turkiga iyo dad carab ah mucaaradna ku ah dalalkooda kuna sugan gudaha dalka Turkiga.
Isha warkaan ayaa cadeeysay in shaqsigaan u basaasaayey dalka Imaaraatka Carabta in la yiraahdo Axmed Maxamuud Cayaash”alasdhal”,Axmed ayey mihnadiisu tahay saxafi wata dhalashada dalka URDUN oo ku meel gaar ah,Axmed waxa uu qirtay dembiga loo haysto ee ah BASAASNIMO iyo inuu dalka Turkiga ku soo galay baasaboor carbeed. Tv-ga Turkiga(TRT) ayaa sheegay in basaaskaan uu dawladda Turkiga u dhiibay dukumintigiisa waxa uuna dawladda Turkiga u cadeeyey inuu yahay nin u basaasaayey dalka Imaataarka Carabta,isla markaasne sameeyey ururinta macluumaad ku saabsan dadka carabta ah kuna sugan dalka Turkiga ee mucaaradka ku ah dalalkooda sida Ikhwanul Muslimiinta,waxa uuna Axmed hawshaan weday muddo sannada ah. XIGASHO ALKHALEEJONLINE.