WARIYE XABSIGA DHIGAY WARIYE KALE.
Ma hubo intaad nooleed inaad aragtay,maqashay amaba kugu dhacday wariye xiraayo wariye kale oo eey isku mihnad yihiin,hala yaabin haddii eey kugu cusub tahay dhacdadaan,sideey wax u dheceen?
Aan ku geeyo dalka soomaaliya caasimadiisa Muqdisho oo ah halka eey wax ka dheceen,Idaacada Maxaliga ah ee Kulmiye kana hawlgasha magaaladda Muqdisho wariye ka tirsan lana yiraahdo C/laahi Kulmiye Caddaw ayaa waxa uu waraysi la yeeshay ganacsade caan ka ah magaaladda Muqdisho lana yiraahdo Xaaji Abuukar Cumar Caddaan,waraysiga lala yeeshay Xaajiga ayuu ku taageray mabda’a alshabaab kula dagaalamaayaan ciidamadda nabad ilaalinta kana socdo afrika marka la soo gaabiyo loo yaqaano(AMISOM) kuwaaso ku sugan xeradda aan la geli karin ee aan laga warhayn hawlaha ka socdo gudaheeda(XALANE),waraysiga Xaajiga ayaa dhacay Jimcihii 16/10/2020-ka tobankii subaxnimo waqtiga Muqdisho,isla habeenimadii Jimcaha waxay ciidamadda NISA gurigiisa kala bexeen ganacsade Xaaji abuukar Cumar Caddaan waxane xaajiga lagu xiray xabsiga loo yaqaano Godka Jilacaw kaasoo uu horay ug xirnaay walaalkiis ka yar Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan. Maalin ka dib kuna beegan Sabti 17/10/2020-ka waqti habeen ah waxay ciidamadda NISA xoog ku galeen guriga wariyihii waraystay Xaaji Abuukar Wariye C/laahi Kulmiye Caddaw, yaa bixiyey amarka wariyaha lagu soo xiray? Hayadda NISA(NATIONAL INTELLIGENCE AND SECURITY AGENCY) waxaa agaasime ka ah EX-wariye Tv-ga caalamiga ah ee Aljazeera Fahad Yaasiin waa ninka lagu tilmaamo inuu yahay milkilaha dawladda hadda soomaaliya ka jirta ee waqtigeedu gabaabsiga yahay ee Madaxweyne Farmaajo waayo Fahad waa wakiilka dawladda Qadar ee soomaaliya waxa uuna raad muuqda ku leeyahay siyaasadda soomaaliya gudaha iyo dibaddaba,waxa uuna si cad iyo si qarsoodi ahba ula shaqeeyaa safiirka dawladda Qadar ee soomaaliya Xamza oo ah nin sirdoon ah wax shaqa ahna aan ku lahayn diblomaasiyadda nuuceey doontaba ha ahaatee,Xamza ayaa lagala tashtaa talaabooyinka laga qaadaayo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dawladda Farmaajo iyo dawladaha gacan saarka eey la leeyihiin. Dawladda Qadar oo ku gambanaysa dhabarka dawladda Turkiga oo eey jecel yihiin shacabka soomaaliyeed ayaa waxaa u suuragashay ineey saaxadda siyaasadda soomaaliya kaga adkaato dawladaha qaar sida Imaaraatka carabta iyo Masar,waxaa intaas dheer oo la hubaa in dawladda Qadar tahay mid gacan saar la leh kooxda alshabaab ee ka dagaalanta gudaha soomaaliya iyo wadamadda la deriska ah sida Kenya,waxaane taas daliil cad u ah soomaaliduna wada og tahay doorka Qadar ku lahayd gebedhii u dhalatay dalka Talyaaniga lagana soo afduubay gudaha dalka Kenya halkaasoo eey u shaqeyneysay hayad samafal sii daynteedii lagana dhoofiyey garoonka Aadan Cadde ee magaaladd Muqdisho,dilkii masuulkii shirkadda DP world ee lagu dilay magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari doorkii Qadar ku lahayd ee uu caalamku wada qiray qoreena wakaaladaha wararka caalamiga ah,intaas waxaa dheer dalka yar ee Qadar waxa uu hooy u yahay madaxda alshabaab xaasaskooda tusaale ahaan Abuu Cubaydah hogaamiyaha alshabaab laba ka mida xaasaskiisa ayaa ku sugan Dooxa caasimadda Qadar,waxaane halkaas horey ugu sugnaay ninkii laayey barka shacabka reer puntland dilaaga la yiraahdo ATAM kaaso laga dhoofiyey Muqdisho.
Waxa la yaabka leh ayaa ah in Ex-wariye Fahad hadane ah agaasimaha hayadda NISA bixiyo amarka lagu soo xiraayo wariyihii waraystay shaqsigii taageeray mabda’a alashabaab laakinse markii uu isaga ahaay wakiil wareedka Tv-ga Aljazeera ee magaaladda Muqdisho lana kulmi jiray madaxda sare ee alshabaab ma jirin cid isaga soo xirtay amaba su’aalo ka weydiisay sababta uu ula kulmay madaxda alshabaab,waxa uun magaaladda Muqdisho kulamo kula yeelan jiray masuuliyiinta ugu sareeyso alshabaab si aan cabsi lahayn.