Samafale Turki ah oo lagu dhaawacay magaaladda Cadan ee dalka Yaman.

ADEN.jpg

Talaado( 10/20/20 )-ka,Samamafale u shaqeeynaayey Laanqeerta Cas ee dalka Turiga ayaa lagu dhaawacay magaaladda Cadan ee koonfurta dalka Yaman ka dib markii eey weerareen dad aan la qoon haybtooda sidaa waxaa magaaladda Cadan ka soo tebisay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee ANADOLU. “Mid ka mida asaxaabtayna nagalana shaqeeyo ururka Laan qeerta cas ee dalka Turkiga kana mida wafdiga ku sugan gudaha dalka Yaman ayaa dad aan la aqoon heybtooda oo hubaysan ku qaadeen weerar” sidaas waxaa bartiisa twitter-ka soo dhigay madaxa ururka laan qeerta cas ee dalka turkiga Kariim Kinik. Dalka Yaman gaar ahaan magaaldda uu ka dhacay shilkaan toogahsadda ah ee Cadan ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dawladda Imaaraatka Carabta oo Yamaniyiin ah kuwaasoo ayada eey tababartay ciidmadaan ayaa lagu magacaabaa XISAAM AL AMNI,ciidamadan ayaa taageersan gooni isu taaga reer koonfureedka kuwaaso u arka walaalahooda waqooyiga ineey yihiin kuwa ku soo duulay qabsadayne sannadkii 1990-ka waqtigaasoo eey midoobeenlabadii yaman ee la kala dhihi Yamanta dimuqaraadiga ah ee shacabka oo maaulkeedu ahaay ishtaraaki halak Yamanta waqooyi ahayd mid aan shuuci ahayn kana jireen xisbiyo kala gedisan,dhinaca kalane inta badan koonfurta Yaman ayaa ka badbaaday ineey qabsadaan Xuutiyinta waxaane ku sugan ciidamo fara badan oo ka socdo dalalka Imaaraatka Carabta iyo dalka Boqortooyadda sacuudiga carabiya,danta hadda muuqata eey Imaaraatka iyo Sacuudiga u joogaan Koonfurta yaman ayaa ah mid istaatijiyadeed iyo dhaqaale waayo koonfurta Yaman ayaa ah meel uu ceegaago khayraat badan sida jaziiradda Suqatra oo eey ku yaaliin geedo dhif ku ah adduunka loona isticmaalo dhinaca daaweynta cuduradda qaarkood.XIGASHO ANADOLU.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

MAGAALADDA KIRKUK EE DALKA CIRAAQ OO LAGA HELAY QUBUURO WADAREED.

Next
Next

BASAAS U ADEEGAAYEY IMAARAATKA OO LA QABTAY.