Suudaan iyo Israa’iil oo isla ogolaaday in xiriirkooda noqdo mid caadi ah.

AMERICA.jpg

Arrintaan u dhexeeyso dalalka Suudaan iyo Israa’iil Maraykankana uu ka yahay dhexdhexaadiye ayuu madaxweynaha Maraykanka Trump u arkaa ineey tahay mid uu ku kasbanaayo dhibco siyaasadeed halka eey shacabka reer Falastiin eey u tahay midiyeyn cusub oo dhabarka lagala dhacay. Xukuumadda Suudaan ayaa ahayd mid aan sidaas ugu xirnayn siyaasadda wadamadda khaliijka ee lixda ah tobankii sano ee ugu dambaysay,xiriirka eey israa’iil la yeelatay suudaan ayaa ah mid micno u leh xukuumadda khartuum ka dib dagaalkii dhexmaray wadamadda carabta iyo israa’iil sannadkii 1967-dii,dagaalkaas ayaa waxaa ka soo baxay go’aamo eey u dhan yihiin wadamadda carabta -1- Ma jiro heshiis nabadeed oo lala galo Israa’iil. -2-Ma jiro wada hadalo lala galo Israa’iil. -3-Ma jiro aqoonsi la aqoonsado israa’iil.

R/W-raha Israa’iil Netanyaaho ayaa yiri “ Suudaan waxa eey hadda dhehaysaa hadal lid ku ah hadal lid ku ah hadalkii eey carabtu yiraahdeen sannadkii 1967-dii.-1-waa jiraa heshiis nabadeed oo carab la gasho Israa’iil. -2-waa jiraa wada hadal lala galo Israa’iil. -3-In la aqoonsado dalka Israa’iil. XIGASHO GUARDIAN.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

SHAQAALE TURKI AH OO LAGU DHAAWACAY CADAN OO…

Next
Next

SAACUUDIGA OO SUUDAAN KA BIXINAAYA…