SAACUUDIGA OO SUUDAAN KA BIXINAAYA…

SS.jpg

Ila wareedyo ku kala sugan dalalka Suudaan iyo Masar ayaa daaha ka qaaday in dalka Boqortooyadda Sacuud Arabiya siinayso dalka Maraykanka lacag dhan seddex boqol iyo sodon iyo sideed milyan oo doolar($ 338-milyam) lacagtaan ayaa ah tan laga rabo inuu bixiyo dalka Suudaan si looga saaro liiska madaw eey ku jiraan wadamadda gacan saarka la leh aragagixisadda iyo sdii loo dedejin lahaay inuu noqdo caadi xiriirka u dhexeeyo dalalka Suudaan iyo Israa’iil. Arrintaa ayaa waxaa si toos ah ugu lug leh ninka leh dhaxaltooyadda dalka Boqortooyadda Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan(MBS) ka dib marki madaxweynaha dalka Maraykanka Mr.Trump uu shuruud uga dhigay ineey bixiso magta dadkii dhibanayaasha u ahaay weeraradii aragagixiso ee ka kala dhacay safaaradaha Maraykanka kuna kala yiil dalalka Kenya iyo Tanzania ee bariga afrila sannadkii 1998-dii iyo weerarkii lagu qaaday markabkii dagaalka ee uu lahaay Maraykanka yiilayne xeebaha dalka Yaman magaciisuna ahaay USS COLE sannadkii 2000-kii.

Maalintii Isniinta ayuu Madaxweynaha Maraykanka Mr.Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka qoraalkan” War aad u weyn,xukuumadda cusub ee dalka Suudaan ee samaynayso horumar aad u weyn ayaa ogolaatay ineey bixiso $ 338-milyan siisana dalka Maraykanka si loo siiyo qoysaskii dhibanayaasha u ahaay weeraradii aragagixisada,markeey soo shubaan lacagtaas waxa aan xukuumadda Suudaan ka qaadi doonaa cunaqabtaynta kana saari doonaa liiska dawladaha damiinto aragagisixsada,cadaalada waqti dheer ka qaadaty shacabka Maraykanka iyo talaabo weyn eey qaaday xukuumadda Suudaan”. XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

Suudaan iyo Israa’iil oo isla ogolaaday in xiriirkooda noqdo mid caadi ah.

Next
Next

MAGAALADDA KIRKUK EE DALKA CIRAAQ OO LAGA HELAY QUBUURO WADAREED.