NINKII GUBAY MASAAJIDA MINNEAPOILIS OO LA…

QEYB KA MIDA MASJIDKII LA GUBAY,

(MINNEAPOLIS)-Nin lagu tuhmaayo inuu si kas ah u gubay laba Masjid oo ku wada yaalo Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkassi Maraykanka “ayaa si nabad ah loo qabtay loona gudbiyey xabsiga”,sidaas waxaa laga soo xigtay qoraal ka soo baxay taliyaha booliska Minneapolis Brian O’Hara aroortii hore maanta oo Aaxad ah(30/4/23)-ka. Todobaadkii tegay ayey garsoorayashu ku edeeyeen Jackie Rahm Little oo 36-jir ah inuu dab ku qabtay Masjidka Alraxma 24/4/23-ka,waqtiga la edeeyey Little ma uusan qabin wax cabsi ah. Little ayaa dab qabadsiiyey Masjidka labaad ee Cumar kuna yaalo Xarunta Islaamka maalin ka hor 23/4/23-ka waxa eyna labada Masjid ku wada yaaliin Minneapolis mana ey jirto cid wax ku noqotay labada Masjid ee dabka la qabadsiiyey.

ISHA WARKA MPR-NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MADAXWEYNE ERDOGAN OO KA HADLAY…

Next
Next

MAXAY QOONSADEEN XILDHIBAANADA DANLEYDA AH?