MADAXWEYNE ERDOGAN OO KA HADLAY…

MADAXWEYNAHA TURKIGA ERDOGAN.

(ANKARA)-Sirdoonka dalka Turkiga ayaa ku guulaystay inuu hubka ka dhigo Al-qurayshi oo ah ninka loogu yeero inuu yahay hogaamiyaha ururka argagixisada ee Daacish/ISIS ka dib markii hawlgal balaaran uu ka dhacay gudaha dalka Suuriya Sabtidii-(29/4/23)-ka sidaas waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Sirdoonka qaranka(MIT) ayaa la socday ninkan loogu yeero hogaamiyaha Daacish kaaso magaciisa afgarashadana uu yahay Abu Xuseen Al-Qurayshi waqti dheer. “Tan waa markii ugu horeysay aan halkaan ka sheego,ninkaan ayaa hubka looga dhigay hawlgal ey qaadeen sirdoonka Qaranka MIT shalay”sidaas waxaa sheegay Erdogan mar lagu waraysanaayey Tv-ga dalka Turkiga ee TRT shalay oo Axad ahayd.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

XULKA SENIGAL OO LOOGA BAQAAYO INEEY…

Next
Next

NINKII GUBAY MASAAJIDA MINNEAPOILIS OO LA…