MAXAY QOONSADEEN XILDHIBAANADA DANLEYDA AH?

DOOLARKII LOO DIYAARIYEY DUMINTA XUKUUMADDA DANQARAN

(SOMALIA)-WAXA AAN HALKIISII KA SII WEDI DOONAA QORAALKII AAN UGU MAGAC DARAY”MAXAY QOONSADEEN XILDHIBAANADA DANLEYDA AH”..Xildhibaan inaad si aan qarsoodi ahayn aad uga hortimadid wixii adiga aad u aragtid iney dhibaato ku yihiin Maslaxadaada waa arrin iska caadi ah laakinse waxaan marnaba la aqbali karin lana qaadan karin in koox u soo istaagtay sidii ey isu hortaagi lahayd horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta,kooxdaan miyey hilmaamsan yihiin in dalka Soomaaliya yahay Federaal (4.5)-ne wax lagu qeybsaday oo beel walba xaq u leedahay iney wax ka hesho xilalka Dawladda Federaalka Soomaaliya,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qabiilkiisa naas-nuujiyey waa arrin aan sal lahayn oo been abuur ah. Xukuumadda Danqaran ma aha mid ku fashilantay hawlgaladii dalka looga xureynaayey Khawarijta waxaane taas daliil u ah ma jirto hal degmo oo ka tirsan maamuladda Galmudug iyo H/shabeele ey KhAwaarijtu haysato,mase la diidana wixii dhaliil iyo toosin ah ee loo soo jeediyo xukuumadda Danqaran. In Reysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre in la qabsado farqaha laguna eedeyo kama uusan soo bixin doorkiisii waa midaan meesha oolin oo la soo dhoodhoobay,aan idin xusuusiyee yaa is-hortaag ku sameeyey in RW-Xamsa yimaado dekeda Garacad furitaankeedii dalbadayne in bedelkiisa uu yimaado MW-Xasan Sheekh? Xildhibaane kama aad hadlin arrinkaasi oo afka ayaad ka qabsatay adigoo og wax kaa qarsoone eysan jirin,Xildhibaan haddii RW-Xamsa yahay masuul ka gaabiyey hawshii loo igmaday Fadlan uga yeera Golaha Shacabka su’aalana ka weydiiye sida ey ku dhacday gaabiska ku yimid xukuumadiisa waa midaad xaq u leedahay,haddii Wasiir ka tirsan Xukuumadda Danqaran uu dawlad kale la soo galo heshiis uuna horgeeyo Golaha Wasiiradda,baarlamaanku waxa uu leeyahay gudiyo kala duwan oo si gaara ula xisaabtamo golaha Wasiiradda Xukuumadda tusaale ahaan Gudiga Difaaca ee BJF xaq ayuu u leeyahay inuu u yeero lanan fariisto Wasiirka Gaashaandhiga waxne ka weydiiyo heshiiska ey Wasaaradiisu la soo gashay dalka Imaaraatka Carabta waa heshiiska aad idinku ka qeylinaysaan,ugu dambayntii Xildhibaan haddii aad tihiin kuwa gabay hawshoodii ma aha inaad ku dul rafatiin “Mooshin” ayaan wadnaa.

ISHA WARKA SBM.

Previous
Previous

NINKII GUBAY MASAAJIDA MINNEAPOILIS OO LA…

Next
Next

MINNESOTA IYO XASHIISHKA.