NINKII DILKA KA GEYSTAY BUFFALO-NY OO…

(BUFFALO-NY)-Ninkii cadaan ka ahaay kuna eedeysnaay inuu dilay toban(10)-qofood oo Madaw ah gudaha goob laga suuqeysto kuna taalo degmada Buffalo ee G/New york ee dalkaasi Maraykanka ayaa maanta oo khamiis ah(19/5/22)-ka waxa uu ka soo muuqday maxkamadda,waxyar oo aan ka badnayn dhawr daqiiqo ayaa loo istaagat dadkii geeriyooday. Ninka dad dilay oo la yiraahdo Payton Gendron oo 18-jir ah ayaa marka la keenayey maxkamadda labisnaay dharka loo labiso dadka maxaabiista ah ee dalka Maraykanka,waxaane Payton uu ku xirnaan silsilad iyo katiinada gacmaha markii uu joogay gudaha maxkamadda,maxkamadda oo ahayd midii ugu horeysay uu ka soo muuqdo dilaagan cadiinka ah ayaa waxaa ku sugnaay dad u badan kuwii la laayey dadkoodii aadne u caraysan,qaar ka mida dadkaas ayaa ku yiri Payton”WAXAAD TAHAY FULAY”.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

GEORGE W.BUSH OO DAGAALKII CIRAAQ KU SHEEGAY MID AXMAQNIMA AH.

Next
Next

SAMAYNTA HUBKA EE DALKA MARAYKANKA OO KORORTAY.