NIN TAAGEERSAN XASUUQII KA DHACAY MASJIDKI NEWZEALAND OO….
Arbacadii shalay ahayd 23/6/2021-ka ayey maxkamadda ku taalo dalka boqortooyadda Ingiriis dembi ku heshay Micheal Nugent oo 38-jir ah ka dib markii uu taageeray xasuuqii ka dhacay masaajidkii ku yiilay dalka Niyuusiland laguna laayey muslimiin fara badan,ninkaan Ingiriiska ah ayaa ku eedeysan 12-dembi oo la xiriira aragaxisinimo waxa uuna ka mid yahay cadiinka xag jirka ah,maxkamadda Ayaa Micheal ku xukuntay seddex sano iyo bar OO xabsi ah.XIGASHO N WORLD.