DOORASHADDA SOOMAALIYA MA DHECAYSAA WAQTIGI LOOGU TALAGALAY?

download (1).jpeg

Dhawr iyo tobankii sano ee ugu dambaysay soomaaliya waxaa ka jirtay doorasho dhacdo afartii sanaba mar,doorashadaas ayaa waxaa lagu soo doortaa xildhibaanadda labada aqal(Aqalka Sare/Aqalka Hoose) markaas ka dib ayey iyaguna doortaan madaxweynaha dalka hogaaminaayo afarta sano ee soo socoto.

Soomaaliya waqtigaan kama jirto dawlad haysato sharciyadda dastuuriga ah waayo waxaa dhammaaday waqtigii loogu talagalay ineey xilka hayso tusaale ahaan labada gole ee baarlamaanka wuxuu xilkooda ku ekaay bishii diseembar-2020-ka halka xilka madaxeynaha uu ku ekaay 8/2/2021-ka,waxaane dhacday in isjiijiid fara badan uu soo maray sidii loo gaari lahaay doorasho xor iyo xalaal ah ugu dambayntiina bishii ina dhaaftay ee Meey-2021-ka ayaa la gaaray heshiis doorasho waxaane la isku afgartay in doorasho dalka ka dhacdo muddo lixdan berri ah gudaheeda marka laga soo bilaabo maalintii la saxiixay heshiska oo ku beegneed 27/5/2021-ka,waxaane hadda baxday sodon maalmood waxaane haray sodon kale mana aha suuragal in doorasho lagu qabto waqtigaas,maxaa soo kordhay oo keenay dib u dhacaan?

Fulinta heshiisyaddii la gaaray ayaa qeyb ka ah caqabadaha hortaagan in doorashada ku dhacdo waqtgeedii tusaale ahaan waxaa lagu heshiiyey in maamul kasta kana tirsan DFS inuu yeesho laba degaan doorasho,ergada soo xulayso xildhibaanadane waxaa lagu heshiiyey in laga dhigo 101- qofood ujeedka arrintaan ayaa ah inaan la qaadan doorashadii dadbaneed uu soo nidaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh 2016-kii,laakinse waxaa hadda muuqato in la mari doono jidkii Mudane Xasan Sheekh oo ahaay in degaan doorashadda noqoto hal goob,in tiradda ergada soo xulayso xildhibaanadda noqoto 51-qofood,waa maxay sababta? Maamuladda qaarkood ayaa ka biyo diidsan in degaan doorashadda noqoto laba goobood tusaale ahaan maamuladda Hirshabeele iyo koonfur Galbeed oo gacan saar la leh Villa Somalia waxa eey rabaan in degaan doorashadda noqoto hal goob oo ah Jawhar/Baydhabo lagana maarmo degaanadda Hiiraan iyo Baraawe,laakinse maamulka Jubbaland oo colaad kala dhexeeyso Villa somalia ayaa isagan soo geli doono arrintaan dalbana doono in degaan doorashada Jubbaland noqoto Kismaayo lagan maarmo Garbahaareey taasoo uusan aqbali doonin madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Famajo,waa caqabadda hor keeni kartana dib dhac kale,gudiyadda doorashadda oo wax laga bedelay ayaa ayagana ah kuwa eey ku godan tahay farta oo waxaa qaarkood weli ku dhegan mucaaradka lana daba taagan toosh ifinaayo halka eey galaan. Maalinta Sabtida ah kuna beegan 26/6/2021-ka ayaa loo balansan yahay in maamul goboleedyadda iyo DFS ka wada hadlaan arrimaha taagan si horay loogu socdo mana cadda in laga gaari doono heshiis dhammaystiran si dalku u aado doorasho xor iyo xalaala

Previous
Previous

URUR SAMAFAL OO SHEEGAY INUU JOOJINAAYO…

Next
Next

NIN TAAGEERSAN XASUUQII KA DHACAY MASJIDKI NEWZEALAND OO….