NIN RASAAS KU FURAY XARUN CAAFIMAAD.
CIIDAMADA BOOLISKA ATLANTA EE DALKA MARAYKANKA.
(ATLANTA)-Booliska gobolka Atlanta ee dalka Maraykanka ayaa galabnimadii maanta oo Arbaca ah(3/5/23)-ka soo xiray nin ku edeysnaay inuu rasaas ku furay gudaha qol ey bukaanku ku sugaan dhaqtarka ee gobolka Atlanta,toogashada ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo dumara waxaane ku dhaawacmay afar kale horaantii maanta oo Arbaca ah. Galabnimadii maanta oo Arbaca ah ayaa la arkaayey faras magaalaha Atlanta oo ay raxan raxan u socdaan masuuliyiinta gobolka ayagoo raadinaayo ninka gaystay toogashada kaaso goobta ka cararay toogashada ka dib. Qoraal uu soo saaray booliska ayaa lagu sheegay in ninka gaystay toogashada la yiraahdaa Deion Patterson oo 24-jir ah waxaane laga soo qabtay degmada Cobb ee dhaca Waqooyi-Galbeed Atlanta.
ISHA WARKA AP.