MAROOKO OO AFKA CIIDA U DARTAY…

XULKA DALKA MAROOKO EE KA YAR 17-KA SANO.

(ALGERIA)-Dalka Aljeeriya waxaa weli si habsami ah uga socdo tartanka Xulalka Qaranka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika ey da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano,12-kooxood ee ka qeybgelaayo tartankaan ayaa loo kala qeybiyey seddex guruub(A,B&C),hadaba Guruubka(A) ey ku jirto Somalia ayaa shalay waxaa isku arkay Algeria Vs Senigal( 0-3),kulanka labaad ee dhacay shalay ayaa waxa isku arkay Somalia Vs Congo(1-1),Guruubkaan ayaa waxaa 6-dhibcood iyo afar gool ku hogaaminaayo kooxda Senigal waxaane kaalinta labaad ilaa hadda ku jiro dalka Algeria oo leh seddex waxaane u dhiman Algeria oo ey la cayaari doontaa dalka Congo. Maanta oo Arbaca ah ayaa waxaa wada ciyaaray kooxaha ku wada jira Guruubka(B)-Nigeria Vs Morocco(0-1) iyo S.Africa Vs Zambia(3-2),guruubkaan waxaa 6-dhibcood iyo seddex gool ku hogaaminaayo dalka Marocco. Berri oo Khamiis ah 4/5/23-ka waxaa wada cayaari doono Cameroon Vs Mali oo ka wada tirsan Guruubk(C),kulamkaan ayaa waxa uu ka dhici doonaa garoonka 19-Mai-1956 ee magaalda Annaba.

HALKAAN KALA SOCO NATIIJADA KULANKA BERRI.

Previous
Previous

NIN RASAAS KU FURAY XARUN CAAFIMAAD.

Next
Next

SACUUDIGA OO DIB U DHIGAY…