NIN LOO QABTAY DILKII RAG MUSLIMIIN AH.

SAWIRKA NINKII LOO SOO QABTAY DILKII AFAR MUSLIMIIN AH GUDAHA DALKA MARAYKANKA.

(USA)-Dalka Maraykanka waxaa maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey dilal dhacay waqtiyo kala duwan loona gaystay dad Muslimiin ah kuna noolaa Gobolka New Mexico ee dalkaasi Maraykanka,dilalkaan ka dhacay dalka Maraykanka ayaa waxaa ka hadlay Madaxwenaha Maraykanka Joe Biden waxa uuna ciidamada amaanka dalka Maraykanka ka dalbaday ineey gacan ka gaystaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaay cidii ka dambaysay dilka afartaan nin ee Muslimiinta ah. Dadka la dilay ayaa lagu dil si gaadma ah dilkana waxa uu ka dhacay magaaladda Albuquerque ee gobolka New Mexico,dilalkaan ayaa waxa eey cabsi ku abuureen bulshada Muslimiinta ah ee kaligood la laayey. Dhiirigelinta shacabka Albuquerque ayaa waxa eey keentay in la helo macluumaad fara badan oo sida daadkii oo kala ah waxaane dhiirigelinta shacabka Albuquerque qeyb ka ahaay lacag Kaasha ah oo la siin doono qofkii soo sheega amaba keena war saxa oo sababi kara in gacanta lagu soo dhigo kuwii gaystay dilalka waxaane sidaas lagu soo qabtay nin Muslim ah una dhashay dalka Afgaanistaan ninkan ayaa yaqaano dadka la dilay,sida la soo sheegayne ninkaan la soo qabtay ayaa gurigiisa laga soo helay bistoolad loo maleynaayo ineey tahay midii loo adeegsaday dilalka gaadmada ah ee lagula kacay afarta nin ee Muslimiinta ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

ILHAN CUMAR OO WACDARO KA DHIGTAY…

Next
Next

ILHAN CUMAR MA KU SOO NOQON DOONTAA….