ILHAN CUMAR OO WACDARO KA DHIGTAY…
SAWIRKA ILHAN CUMAR.
(USA)-Dalka Maraykanka waxaa shalay oo Talaado ahayd ka dhacday doorashooyin hordhac looguna tartamaayey Senitarnimo,gudoomiye Gobol iyo waxyaabo kale kuna saabsan maamulka dalkaasi. Ilhaan Cumar oo ah senitarad laga soo doorto goboblka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka kana mid ah kooxda horumarka ee Xisbiga Dimuqaraadiga ayaa shalay dabiratay ineey ku soo gabagabeyso wax ka badan wixii laga filaayey guusha Xisbigeeda Dimuqaraadiga.Ilhan Cumara ayaa waxaa ka soo horjeeday tartamaaysaha dhexe kuwaaso su’aal ka keenay awood la’aanta Ilhan Cumar eey ku taageeri weysay is-hortaaga dhaqaale ku bixinta booliska. Todobaad ka hor waxaa ayagana soo guulaystay kana tirsan isla Xisbiga Dimuqaraadiga Cori Bush lagana soo doorto gobolka Missouri iyo Rashida Taalib oo ayadana laga soo doorto gobolka Michigan.
ISHA WARKA AP.