DALKA ITOOBIYA EEY SOO WAJAHDAY….

LAFTAGAREEN IYO TALIYEYAASHA CIIDAMADA ITOOBIYA IYO LIYU BOOLISKA.

(MUQDISHO)-Waa wax iska caadi ah marka maamul isbedelo yimaadane mid kale ineey soo baxaan waxyaabo ka qarsoonaay shacabka masuulka laga yahay,hadaba 15/5/22-ka dalka Soomaaliya waxaa loo doortay inuu Madaxweyne ka noqdo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna isna magacaabay RW-Xamsa Cabdi Barre kaaso ugu dambayntii soo dhisay xukuumad uu u bixiyey ‘DANQARAN” xukuumadaan cusub ayaa baarlamaanka ansixiyey 7/8/22-ka weline ma eeysan bilaabin hawsheeda waxa eeyna weli ku mashquulsan tahay xilwareejin ku eg ilaa maalinta Sabtida ah ee soo socoto(13/8/22)-ka,hadaba maxaa keenay in maamul goboleedyada qaarkood u kala dhuuntaan dalka Itoobiya? Waa iska caadi marka laga fiiriyo dhinaca siyaasadda oo waxaa jiro Mu’ayid taagerersan xukuumadda iyo Mucaarad ka soo horjeedo xukuumadda,xukuumadda Xasan Sheekh hogaaminaayo waxaa ilaa hadda si cad colaad ugu muujiyey Madaxweynaha maamulka Konnfur Galbeed Soomaaliya C/casiis LaftaGareen oo u safray dalka Itoobiya lana soo kumay RW-Abiye Axmed,waan ognahay RW-Abiye waxa uu ahaay garabka Madaxweynihii hore Farmaajo mana uusan ku farxin natiijadii ka soo baxday doorashaddii dhacday 15/5/22-ka laakinse LaftaGareen waxaa isaga ku khasbay inuu aado Itoobiyo magacabistii Wasiir loo magacaabay Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ninkaano ahaay nin Baydhabo laga soo xiray si LaftaGareen uu u noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya sannadkii 2018-kii,LaftaGareen ayaa ku fikiraayo inuu sameeyo tabtii uu sameeyey Axmed Madoobe oo hadda ka ah Madaxweyne Jubaland dabadana kula jira dalka Kenya Farmajana awoodi waayey inuu xilka ka tuuro.Sirta dawladda Xasan Sheekh la damacsan tahay LaftaGreen ayaa ah in doorashadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dhacdo waqtigeed 18/12/22-ka laguna qabto magaaladda Baraawe oo ah Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,magaaladda Baydhabo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliyana loo daayo gobolkeeda,haddii eey dhacdo arrintaan waxaa halkaasi ka imaan doonto qeyladhaan ah in la diido xilwareejinta xukuumadii hore lana bilaabo fawdo iyo dagaal beeleed gudaha magaaladda Baydhabo halkaasne Alshabab eey ka hesho fursad eey isku balaariso. Haddii aan u nimaado maamulka Galmudug uu hogamiyo QoorQoor waxa uu isna ka mid yahay maamuladii lagu dhisay sida xooga ah oo kuma taagno caga badan waxaane xanuun badan ku haayo in Wasiirka arrimaha Gudaha loo magacaabo nin iska casilay Wasiirnimadii Galmudug Axmed Macallin Fiqi,ninkaan Fiqi ayaa dhisay gole la magac baxay”GOLAHA BADBAADINTA GALMUDUG”waane u fursad Fiqi inuu talaabo ka qaado QoorQoor oo maamulkiisu hoos yimaado Wasaaradiisa.

Hirshabeele caasimadiisa ku meel gaarka ah ee Jawhar ayaa la soo sheegaa inuu maanta ka dhacay qarax ismiidaamin ah uuna sameeyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa,halka uu ka dhacay qarax ismiidaaminta ah ayaa ah agagaarka Hotel-ka City una dhaw dugsiga Sheekh Xanafi ee magaaladda Jawhar lama haayo ilaa hadda wax war ah oo faahfaahsan kuna saabsan qaraxaas ismiidaaminta ah. Qaraxa maanta ayaa ah kii labaad ee Jawhar ka dhacay isla todobaadkan,qaraxii hore ayaa ahaay mid baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo balse wadihii baabuurkaas ayaa isaga degay kana cararay baabuurkii mana gaarin halkii loo weday oo meel ka sokeyso ayuu isaga qarxay.

Dalka Turkiga ayaa websaaydkiisa waxa uu ka saaray Baasaboorka Soomaalida oo horay uga mid ahaay baasaboorada Online-ka ku dalban karay dal ku galka Turkiga(ONLINE_VISA),dalka Turkiga ma uusan sheegin sababta baasaboorka Soomaalida looga dhex saaray baasaboorada Online-ka ku dalban karo dal ku galka,waan ognahay ineey jiraan cadaadisyo badan oo haysto xisbiga Ordogan kuna saabsan ajnabi neceybka hadane weli dalka Turkiga waxaa Madaxweyne ka ah Ordogan oo laga jecel yahay dalka Soomaaliya mana eey jirto cid kahadashay arrintaan soo korortay balse waa mid la arki doono dhammaadkeeda.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

DOORASHADA KENYA OO MARAYSA…

Next
Next

ILHAN CUMAR OO WACDARO KA DHIGTAY…