NIN HORAY DAD UGU LAYEY NORWAY OO…
GOOBTII ESPEN UU DADKA KU LAAYEY.
(NORWAY)-Nin ayaa waxaa lagu helay dembi maanta oo Jimca ah ninkaas ayaa dilay 5-qofood waxa uuna dhaawacay 4-qofood oo kale isaga oo adeegsanaayo Mindi koonfurta dalka Norway,qalabka kale uu isticmaalay ninkaan ayaa waxaa ka mid ahaay Qaanso iyo falaaro.Maxkamad degmada Buskarud ayaa Espen Andersen Brathen ku xukuntay in si qasab ah loo geeyo isbitaalka lagu daaweeyo dadka dhimirka la’a,shaqadaan lagu cadeeyey in ninkaan waalan yahay ayaa waxaa soo qabtay seddex nin oo khabiiro ah si wanaagsane u yaqaano cudurada ku dhaca dhimirka ayaga ayaan amray in Espen la geeyo isbitaalka dadka waalan bacdamaa uu qabo cudur eey ku sheegeen in la yiraahdo”PARANOID SCHIZOPHRENIA” waxay intaas raaceen in Espen uu horay uga qabay cuduradaas waane waqtiga uu dadka ku laayey taaso ku beegneed 13/10/2021-kii
ISHA WARKA AP.