NIGERIA OO QAADACDAY KULANKII….

(SAWIRKA)-CAYAARTOYDA DALKA NIGERIA.

(NIGERIA)-Wararka ka imanaayo dalka Nayjeeriya ayaa sheegaayo in Xulka Kubadda Cagta dalka Nayjeeriya uu isaga baxay is reereebka koobka Qaranadda Afrika oo la ciyaari lahaayeen Xulka dalka Liibiya maanta oo Isniin ah sida laga soo xigtay Kabtanka Xulka dalka Nayjeeriya William Troost-Ekong iyo Xiriirka Kubadda Cagta dalka Nayjeeriya(NFF) iyagoo ka mudaaharaadayo duulimaadkii ey ku tegi lahaayeen dalka Libya ka hor inta ciyaartooyda iyo shaqaalahoodaba looga tegin garoonka diyaaradaha saacado fara badan,waxa uuna garoonka aad uga fog yahay halka ey ka dheceyso cayaarta u dhexeyso labada xul. Cayaartoyd dalka Nayjeeriya ayaa in ka badan 16-saacadood ku xayirnaay garoon diyaaradeed oo 250-KM u jira halkii loogu talagalay iney ka dhacdo cayaarta u dhexeyso labada xul ee Nayjeeriya iyo Liibiya. Dalalka Nayjeeriya,Liibiya,Ruwaanda iyo Beniin ayaa kuwada jira Wareega(D),waxa eyna koox kasta soo cayaartay seddex kulan,waxaane 7-dhibcood iyo afar gool guruubkaan-D ku hogaamineyso Nayjeeriya waxaane ku soo xiga dalka Beniin oo leh 6-dhibcood iyo seddex gool halka Ruwaanda iyo Liibiya ey kala leeyihiin 2-dhibcood iyo hal dhibic sida ey u kala horeeyaan.

ISHA-ESPN.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

KHUBARO KA HADASHAY DHIBAATADA QAXOOTIGA AFRIKA.

Next
Next