KHUBARO KA HADASHAY DHIBAATADA QAXOOTIGA AFRIKA.

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIINTA AFRIKA.

(TUNISIA)-Muhaajiriinta,Qaxootiga iyo Dhibanayaasha ka ganacsiga dadka ayaa wajahaayo daaweyn naxdin leh gudaha dalka Tunisiya,sidaas waxaa maanta oo Isniin ah ka digay khubaro ka tirsan Qaramadda Midoobe. Khuabaradu waxa ey sheegeen in xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ey dhacayaan xilliyadda ey socdaan hawlaha samatabixinta ee badda iyadoo ey dadku isku dayayaan iney ka gudbaan badda Miditereniyaanka si ey gaaraan Yurub iyo in loo gudbiyo xuduudaha ey wadaagaan Aljeeriya iyo Liibiya. “Waxaan helnay warbixino naxdin leh oo si faahfaahsan uga hadlaya dhaqdhaqaaqyadda khatarta ah marka la dhexgelinaayo Muhaajiriinta,Qaxootiga iyo Megengalyo doonka ee badda,rabshadaha jireed oo ey ku jiraan garaac,hanjabaad iyo isticmaalka hubka,saarista matooradda iyo shidaaka iyo qalibidda doomaha”,ayey khubarado ku sheegeen hadal ey soo saareen.

ISHA-ARAB.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

SHIR U DHEXEEYO URURKA OIC IYO SHIINAHA.

Next
Next

NIGERIA OO QAADACDAY KULANKII….