NAIROBI: SOOMALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKII IDA-da.

(SAWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Wasiirka Maaliyadda ee DFS Md.Biixi Imaan Cige uu maanta magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uu kaga qeybgalay shirkii 21-aad ee Hayadaha Horumarinta ee Bangiga Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo qoro IDA,shirkaas oo ey ka soo qeybgaleen Wasiiradda Maaliyadda ee Qaaradda Afrika. Shirka maanta oo ahaay mid heer Wasiir ah ayaa looga dooday qodobo muhiim u ah wadamadda Qaaradda Afrika si uu Bangiga Adduunka u maalgeliyo,qodobada ey soo saaraan Wasiiradda Maaliyadda ayaa waxaa la hordhigi doonaa kulankan kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne,kaaso qabsoomi doona 29/4/24-ka. Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dawadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta,dooneysana iney hesho maalgelin caalami ah si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib u habaynta maaliyadda taaso ka qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaaaalaha dalka Soomaaliya.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

LIX SHAQAALE AYAA KU DHINTAY QARAXII WEYDAW.

Next
Next

MAXKAMADDA CQS OO QAADI DOONTA DACWADII RAASHINKA LA LEEXSADAY.