LIX SHAQAALE AYAA KU DHINTAY QARAXII WEYDAW.
(SAWIRKA)-AUN-XUSEEN.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta uu halkaasi ka dhacay Qarax aad u xoogan oo laga maqlay dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degaanadda ku xeeran,sida ey soo wariyeen warbaahinadda Maxaliga ah Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Weydaw ee dhaca duleedka Muqdisho,waxaane Qaraxa lala eegtay Gaari ey iska leedahay Shirkadda Hormuud ee bixisa adeega Isgaarsiinta iyo hawlo ganacsi oo kale. Nuuca Qaraxa lala eegtay Gaariga ayaa ahaay Miinadda dhulka lagu aaso lagana hago meel fog,Gaariga waxaa saarnaay shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud kuwaaso tiradooda lagu sheegay iney dhammeed ilaa lix qofood,dhammaan shaqaalihii la socday gaarigay miinadu haleeshay ayaa kuwada geeriyooday goobta oo midkoodna kama uusan badbaadin Qaraxa qabsaday Gaariga,Warbaahinta Suuq-Bacaad Media ayaa soo heshay magacyadda lixda Qofood ee geeriyooday iyo mid ka mida shaqaalaha dhintay sawirkiisa. Raga Qaraxa Weydaw ku geeriyooday waxa ey kala yihiin:
(1)-Xuseen Macallin Cabdi Wehliye.
(2)-Maxamed Axmed Gamaxey
(3)-Maxamed Cabdulle Wardheere.
(4)-C/kariin Cismaan Cabdi.
(5)-C/naasir Axmed Maxamud.
(6)-C/fataax Nuure Cabdi Fiidow.
Dhammaan alle ha u naxariisto,waxaa dishay Gacan ka xaq daran.
ISHA/SB-MEDIA.