MAXKAMADDA CQS OO QAADI DOONTA DACWADII RAASHINKA LA LEEXSADAY.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA CQS.
(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada ey Soomaalidu aadka u isticmaasho loogu hadal haayey arrinta ku saabsan Raashin ey lahaayeen Ciidamadda Danab ee uu tababaro Maraykanka,sida laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah raashinka waxaa bixiyey Maraykanka waxaane loogu talagalay in la siiyo ciidamadda uu tababaray Maraykanka balse ma dhicin arrintaas oo raashinkii ayaan gaarin halkii loogu talagalay,waxaane arrintaan dacwadda ah kuna saabsan Raashinka la Leexsaday gacanta laga soo saaray Taliyaha CXDS S/G.Ibrahim Sh.Muxyadiin Caddaw isagoo ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Arrintaan ayaa noqotay mid fadeexad weyn ku ah DFS gaar ahaan Wasaaradda G/dhiga oo ey iyda khuseyso dhacdadaan foosha xun,hadaba Wasiirka Wasaaradda G/dhiga ee DFS Md.C/qaadir Nur Maxamed(Jaamac) ayaa waxa uu waraysi siiyey Tv-ga caalamiga ah ee Universal ee fadhigiisu yahay magaaladda London xaruntiisa ku taalo Muqdisho,Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaan foosha xun loo soo qabtay saraakiil uusan sheegin tiradooda balse ah kuwa ka tirsan CXDS eyna ka soo hor muuqan doonaan Maxkamadda ciidamadda qalabka sida todobaadyo gudahood si shacabka Soomalaiyeed ula socdaan dhacdadaan foosha xun.
ISHA/CAASIMADDA.