CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYA OO TABABAR KA HELAY…

(SAWIRKA)-TALISK CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYA IYO SARAAKIIL REER MASARA AH.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G.Sulub Axmed Firin uu Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socoto dalka Masar kuwaaso shalay soo gaaray magaaladda Muqdisho. Soo dhaweynta saraakiisha reer Masar ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Taliye ku xigeenada ciidanka Booliska S/G.Cismaan C/laahi Maxamed(KANIIF) iyo S/G.Zakiya Xuseen Axmed iyo qaar ka mid Hogaanadda ciidanka Booliska Soomaaliyeed,saraakiisha reer Masar ayaa soo gaaray Soomaaliya ka dib markii ey casuumad ka heleen Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G.Sulub Axmed Firin. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G.Sulub ayaa saraakiisha reer Masar uga mahadceliyey aqbalaad ey ka aqbaleen casuumadiisa sidoo kalane ku amaanay garab istaaga ey u sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed,dhinaca kale,saraakiisha ka socotay dalka Masar ayaa bogaadiyey horumarka ey ku talaabsadeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyagoo xusay iney ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka taageeri doonaa dhinaca tababarada,xirfadaha iyo guud ahaan horumarinta ciidan booliska.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

MAXKAMADDA CQS OO QAADI DOONTA DACWADII RAASHINKA LA LEEXSADAY.

Next
Next

MW-XASAN OO MADAXTOOYADA TANZANIYA KULA…