MW-XASAN OO MADAXTOOYADA TANZANIYA KULA…

(SAWIRKA)-WASIIRADII KA QEYBGALAY SHIRKII DAR ES SALAAM.

(DARA ES SALAM)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Tanzaniya ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Tanzaniya Marwa Samia Suluhu Xasan ayaa maanta oo Sabti ah wada hadal ku yeeshay xarunta Madaxtooyadda Dar Es Salaam. Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada iyo in la iska kaashado dhinacyo fara badan oo faa’iido u ah labada dal Soomaaliya iyo Tanzaniya. Arrimaha ugu muhiimsan ey ka wada hadlayaan Soomaaliya iyo Tanzaniya ayaa ah Warfaafinta,Dalxiiska,Cadaaladda iyo Iskaashiga Arrimaha Dibadda,dalka Tanzaniya ayaa Soomaaliya waxa uu gacan weyn ka siiyey iney ku soo biirto Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da,Ururkaan ayaa Soomaaliya u ogolaanayo iney Ganacsigeed gaarsiiso wadamadda Xubnaha ka ah Ururkaan EAC-da,waxaane hadda socdo sidii Soomaaliya ey u soo diri lahayd sagaalka Xubnood oo ka mid noqonaayo Baarlamaanka EAC-da iyo Xubnaha ka mid noqonaayo Golaha Wasiiradda EAC-da. Faa’iidooyinka ugu waa weyn ee Soomaaliya ugu jiro ku biirista EAC-da ayaa ah in Baasboorka Soomaaliya lagu tegi karo dhammaan wadamadda xubnaha ka ah Ururka EAC-da iyadoo aan la saarin wax Visa ah.

ISHA/AB.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYA OO TABABAR KA HELAY…

Next
Next

ALSHABAABKII UGU BADNAAY OO ISA SOO DHIIBAY.