ALSHABAABKII UGU BADNAAY OO ISA SOO DHIIBAY.

(SAWIRKA)-ALSHABAABKII ISA SOO DHIIBAY.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u soo badanaayey Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Alshabaab ee isu soo dhiibaayo Hayadaha Amaanka Soomaaliya,inta badan Alshabaabka isa soo dhiibay ayaa ah kuwa ka soo jeedo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kooxda Alshabaab ayaa hadda noqotay mid ey ka wareersan tahay oo waxaa si xun ugu socdo weeraro dhinaca cirka ah kuwaaso ey fulinayaan diyaaradaha Drones-ka ey leeyihiin saaxibadda Caalamka,hadaba Dawladda Fedraalka Soomaaliya War-saxaafadeed ey soo saartay ayey kaga hadashay xubnaha ka soo goostay kooxda Alshabaab isuna soo dhibay cidamadda DFS kuwaaso hawgalo ka wada qeybo ka mid ah Goboladda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in todobaadkii tegay kaliyah ey isu dhiibeen ciidamadda dawladda Horjoogayaal iyo Maleeshiyad ka wada tirsan kooxda Alshabaab kuwaaso gaaraayo ilaa boqol ruux.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

MW-XASAN OO MADAXTOOYADA TANZANIYA KULA…

Next
Next

MW-XASAN OO KA QEYBGALAY MUNAASABADDA SANNAD GUURADII 60-AAD.