MW-XASAN OO KA QEYBGALAY MUNAASABADDA SANNAD GUURADII 60-AAD.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO MARWA SAMIA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminaayo oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Tanzaniya ayaa madaxda sare ee dalka Tanzaniya kala qeybgalay munaasabadda maalinta Midnimadda dalka Tanzaniya. MW-Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawaladda iyo shacabka Tanzaniya ugu hambalyeeyey guulaha ey ka gaareen ilaalinta Midnimadda iyo wadajirka dalka isagoo dhigiisa dalka Tanzaniya Marwo Samia Suluhu Xasan la wadaagay mudnaanta ey dawaladda Federaalka Soomaaliyeed siineyso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeyo labada dal(Soomaaliya iyo Tanzaniya) oo uu saldhig u yahay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed,dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Masuuliyiinta kale ee munaasabadda sannad guuradii 60-naad ee Midnimadda dalka Tanzaniya ka qeybgashay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyneyaasha Burundi Evariste,Koomoro Azali,Zambiya Hakainde,DRC Felix,Ruto Kenya,Nangolo Namibiya,Xasan Sheekh Somaliya,waxaa jiro dalal soo diray masuuliyiin kale balse eysan imaan Madaxweynahooda sida Madaxweyne Ku-xigeenka Malawi Saulo,Madaxweyne ku xigeenka Ugandha Jessica,Reysal Wasaaraha Mosambique Adriano,Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi iyo safiirka Zimbabwe u fadhiya dalka Tanzaniya Edzai.
ISHA/VILLA SOMALIA.