MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY TANZANIYA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.
(MUQDISHO)-Madaxweunaha Jamhuuriuadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyey dalka Tanzaniya halkaaso ah Xarunta Daladda Bulshadda Bariga Afrika ee dhawaan ey ku biirtay Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa martiqaad rasmi ah waxa uu ka helay Madaxweynah dalka Tanzaniya Marwo Samia Suluhu Xasan,labada Madaxweyne ayaa ka shiri doono xaaladda Gobolka iyo Danaha wadajirka ah ey wadaagaan labada dal Soomaaliya iyo Tanzaniya,taaso ey ka mid tahay Daladda ey ku mideysan yihiin Bulshadda Bariga Afrika,dalka Tanzaniya ayaa ka mid wadamadda doorka fiican ka qaatay in la aqbalo Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu ka qeybgeli doonaa Xafladda loogu dabaal degaayo sannad guuradda 60-aad ee ka soo wareegtay Midawga Qaranimadda dalka Tanzaniya. Wafiga Madaxweynaha inta ey ku sugan yihiin magaaladda Daara-Salaam waxa ey kulamo la yeelan doonaa Madaxda dalkaasi iyagoo kala hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyo,dardar-gelinta Xubinimada Soomaaliya ee Daladda Bariga Afrika,Iskaashiga Arrimaha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS Md.Axmed Macallin Fiqi kana mid ah Wfdiga MW-Xasan Sheekh oo la hadlay Telefishanka Qaranka(SNTV) ayaa sheegay iney dawladda Tanzaniya kala hadlo doonaa seddex heshiis ey todobaadkii tegay Ansixiyeen Golaha Wasiiradda XFS kuwaaso kala ah: (1)-Heshiis dhinaca Warfaafinta iyo Dalxiiska ah. (2)-Heshiis Iskaashi. (3)-Heshiis dhinaca Cadaaladda ah kuna saabsan Maxaabiista ku xiran dalka Tanzaniya.
ISHA/VILLA SOMALIA.