MAXKAMADDA G/BANADIR OO AMARTAY IN LA SOO XIRO TALIYE BOOLIS

(SAWIRKA)-TALIYAHA SALDHIGA GAROONKA ADEN CADDE.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliyaha Booliska ee Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho G/dhexe C/fataax Bashiir Cali ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u yeertay inuu horyimaado sabab la xiriirto inuu fulin waayey Amar ey soo saartay Maxkamada kuna saasban inuu joojiyo dhismo ka socday Xeyndaabka Garoonka Aden Cadde. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in dhulka uu dhismaha ku socdo inuu bixiyey MW-Xasan Sheekh Maxamuud waxaane dhulka la siiyey Masuuliyiin ka tirsan XFS,Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ey warqad u dirtay Taliyaha Saldhiga Garoonka Aden Cadde G/dhexe C/fataax waxa eyna amartay inuu is hortaago ku sameeyo dhismaha ka socdo gudaha Garoobka balse taliye C/fataax ayaa arrintaas ka dhega adeygay, ugu dambeyntiina Maxkamadda G/Banaadir ayaa maanta soo saartay Amar ah in la soo xiro Taliye C/Fataax. Dhulka ku yaalo xeyndaabka Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa dhul ah intiisa badan ey leedahay DFS waxaane inta badan si gaar ah loo siiyaa Masuuliyiinta ka tirsan DFS balse dhulkaan hadda laga hadlaayo ayaa ka gedisan dhulalkii hore waxaane la sheegaa iney iska leeyihiin Qoys uu ka dhintay masuul hore kana tirsanaay dawladdii dhexe ee dhacday ee Soomaaliya.

ISHA/RR.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY TANZANIYA.

Next
Next

RW-XAMSE OO MAMNUCAY IN DIBADDA SHIR LOO AADO.