RW-XAMSE OO MAMNUCAY IN DIBADDA SHIR LOO AADO.

(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA DFS.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa shir Gudomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda ee XFS kaaso dhaca maalin kasta oo Khamiis ah. Reysal Waare Xamse ayaa Hayadaha DFS faray inaan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka Soomaaliya shirarka u dhexeeyo hayadaha kala duwan ee DFS. Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Goboladda dalka ka dhegaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fedraalka iyo Dib u heshiisiinta,waxayna tilmaantay Wasaaradda in dalka ey dhici karaa roobab sababi kara Daadad iyo Fataahdyo kuwaaso saameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyadda. Golaha ayaa sidoo kale,ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee degan Jiinka Wabiyadda,meelaha Godan,Dooxooyinka iyo Goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad iney ka fogaadaan. Shirka Golaha ayaa warbixin waxaa looga dhegaystay Wasiiradda Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaradda G/dhiga,labadaan Wasaaradood ayaa ka hadlay hawlgaladdii ugu dambeeyey iyo dagaalka lagu ciribtiraayo ALshabaab.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

MAXKAMADDA G/BANADIR OO AMARTAY IN LA SOO XIRO TALIYE BOOLIS

Next
Next

HAWLGAL LAGU LAAYEY ALSHABAAB OO KA DHACAY MUDUG.