NABADOON MAXAMED XASAN XAAD OO KA MID AHAAY…

ABU MUSCAB SAWIRKIISA.

(MUQDISHO)-Waxa eey warar dheeriya ka soo baxayaan sida uu u dhacay weerarkii lagu qaaday HOTEL HAYAT ee magaaladda Muqdisho xalay fiidkii,weerarka ayaa lagu furay qaraxyo loo adeegsaday Baabuur iyo qof isku soo xiray waxyaabaha qarxo ka dibne dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa gudaha u galay Hotel-ka,warar ayaa sheegaayo in kooxda qaaday weerarka eeyba horay u sii degaanayeen Hotel-ka hubna eey ku haysteen gudaha Hotel-ka sida Caagaga Seddex qaadka ah oo la arkay ayagoo qarxaayo gudaha Hotel-ka kuwaaso sida la sheegay Hotel-ka lagu soo geliyey ineey yihiin Caagag uu ku jiro Malab laga keenay Goboladda taasne dembigeeda waxaa leh ilaaladda Hotel-ka oo aan marna fetishin Caagaga la soo geliyey Hotel-ka. Kooxda weerartay Hotel-ka ayaa isticmaalay baabuurta gargaarka deg dega ah ee loo yaqaano Amin Ambulance sida la soo sheegay,waxaeeyna dadka la socday Amblunce-ka ahaayeen dagaalyahano Alshabaab ah kuna labisan dharkii shirkada leh Amin Amblunce sababta eey u ku dhacday arrintaan lama yaqaano ilaa haddda. Nabdoon Maxamed Xasan Xaad kana mida Nabadoobada ku sugnaay gudaha Hotel-ka oo la hadlay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay in ciidamadda Haramcadka qabteen hawl fiican markeey ku jireen badbaadinta dadka ku go’odoonsan gudaha Hotel-ka balse wax eey shaqadii badbadinta burburtay markii hawsha badbaadinta eey la wareegtay kooxda Alpha Group,Nabadoonka ayaa dhaliil adag u jeediyey dawladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud,Nabadoonka ayaa tacsi u diray dad ku dhintay weerarkii xalay ka dhacay Hotel Hayat waxaane ka mid ah dadkaasi: AUN-C/raxmaan Xasan Imaan iyo Xasan Maxamed Yalaxaw, waxa uuna nabadoonka alle uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo rag kale oo iyagana ku dhaawacmay weerarka sida EX-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir iyo Axmed Bootaan oo hadda dhaawac ah laguna dhabiibaayo isbitaaladda Muqdisho. Dhinaca kale, afhayeenka Kooxda Alshabaab Abuu Muscab oo ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday Hotel Hayat ayaa sheegay in dawladda uu Hogaamiyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqday dagaal lidi ku ah Alshabaab balse dawladda eeysan diyaar u ahayn ineey gasho dagaal, Abu Muscab ayaa sheegay in tirada dhimashada dhan tahay 40-qofood halka uu dhaawacana yahay 70-qofood mana jirto cid xaqiijin karta sheegashada abu Muscab.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA)

HALKAAN KA DHEGAYSO CODKA NABADON XAAD.

Previous
Previous

HOTEL HAYAT OO LAGA SAARAY ALSHABAAB.

Next
Next

HOTEL HAYAT OO WAR LAGA HELAY.