HOTEL HAYAT OO WAR LAGA HELAY.
SAWIRKA HOTEL HAYAT-MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Waxaa weli isa soo taraayo waraka aan ka heleyno weerarkii xalay eey kooxda Alshabaab ku qaaday Hotel-Hayat ee magaaladda Muqdisho,weerarkaan oo weli aan la soo afjarin kana socdo gudaha hoteelka ayaa waxaa soo baxay warar hordhaca oo sheegaayo tirada dhimashada dadka la ogaaday ilaa iyo hadda. Afhayeenkii hore ee Reysal Wasaare Rooble Xildhibaan EX-Wariye Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa bartiisa Facebook-ga waxa uu ku soo daabacay magacyadda dad gaaraayo ilaa 11-qofood oo xalay ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotel Hayat. Xildhibaan Ex-Wariye Macalimu dadka uu soo qoray ayaa kala ah sideed rag ah iyo seddex dumar ah, ALLE HA U WADA NAXARIISTO:
1-Xaaji Bashiir Xaaji Sulaymaan Muxumad.
2-C/rashiid Cabdi Axmed.
3-Shahiid Axmed Cumar.
4-Axmed C/laahi Ibraahim.
5-C/laahi Abiib Muxumad.
6-Maryan Sheekh Cali.
7-C/rashiid Noonow.
8-Yusuf Mahad Baraw.
9-Axmed Cali Xaaji.
10-Nasra Axmed Cali(Nasra Shiine).
11-Saynab Cabdi Maqaar.
Sida uu sheegay Xildhibaan Macalimuu dadka dhintay ayaa ka soo wada jeedo Beesha Gugundhabe/Hawiye, 9-qofood waa Beesha Baadi Cadde halka 2- qofood eey yihiin Beesha Jidle.
INTI DHIMATAY ALLE HA NAXARIISTO INTA DHAAWACANE ALLE HA U BOOGA DHAYO .AAMIIN.
ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).
HALKAAN KALA SOCO WIXII WAR EE KA SOO KORDHA XAALADDA HOTEL HAYAT.INSHAA ALAAH.