MW-XASN SHEEKH O KA QEYBGELAYO MADASHA ANTALYA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO MW-ERDOGAN.
(ANTALYA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan, inta lagu guda jiray Madasha Diblumaasiyadda Antalya. Labada Madaxweyne ayaa iska xog waraystay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Maalgashiga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ey u leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo Argagixisada, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon oo ey ka qaadanayso Nabadeynta iyo Horumarinta Soomaaliya. Dhankiisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ey garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ey siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska Ciidamada, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo xoojinta Hay’adaha dowladda. Dhinaca kale,Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa Madaxda Caalamka kala qeybgalay furitaanka Madasha diblomasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga. Madashan oo ka mid ah fagaayaasha Caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka Amniga iyo Siyaasadda,wafdiga uu hogaaminaayo Madaxwey Dr.Xasan ayaa mudnaanta siiyey xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Caalmiga ah,isdhaafsiga khibradaha maamulka iyo sidii Soomaaliya ey doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamka iyadoo la xaqiijinaayo Midnimada iyo danaha dalkeyna. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyey dawladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhawynta diiran ey ku qaablieen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wafdiga Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa la filaa iney kuan doceedyo la qaadan doonaan Madaxda iyo Hogaamiyeyaasha ka qeybgalay Madashad Antalya.
ISHA-VILLA SOMALIA.