MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY ANTALYA
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.
(ANTALYA)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtida maanta ah ayaa sheegay in dalkiisu uu ku tallaabsanayo ka hortagga Argagixisada, isagoo muujiyay taageerada Turkiga. "Turkiga iyo Soomaaliya waa saaxiibo dhab ah oo ku salaysan dano wadaag ah," Maxamuud ayaa ka sheegay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya. Isagoo sheegay in Soomaaliya ey soo martay marxalado adag balse ey xaaladdu ka gudubtay burburkii, una gudubtay xaalad jilicsan, isagoo xusay in hay'adaha dowliga ah aysan weli qaan-gaarin, balse horumarro la taaban karo laga gaaray sannadihii u dambeeyay. Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ey ku dadaaleyso sidii ey ku gaari lahayd maqaamkii ey ku lahayd caalamka, ayna si firfircoon ula dagaalamayso Ururada Argagixisada sida AL-Shabaab iyo ISIS ama (Daacish). Waxa uu xusay in hay’ado badan oo caalami ah oo ey ku jiraan UN-ka iyo Midowga Afrika iyo sidoo kale dalal ey ka mid yihiin Mareykanka,Turkiye iyo UK oo ey wehliyaan dowladaha deriska ah ey taageerayaan Soomaaliya. Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday inkasta oo taageero dibadda ah, la dagaalanka argagixisada ey hormuud ka tahay Soomaaliya, wuxuuna ku dhawaaqay in markii ugu horeeysay tan iyo 1969-kii la qaban doono doorasho. Waxa uu carabka ku dhuftay in Somalia ey ku fadhiso Kursiga Golaha Ammaanka ee QM u matalaysa Bariga Afrika, sidoo kalena ey xubin ka tahay Jaamacadda Carabta, isagoo caddeeyay inuu rumeysan yahay in dalka uu gaari doono booska uu xaqa u leeyahay. Maxamuud ayaa tilmaamay in inkasta oo Ururada Argagaxisada ey wadaan ajandayaal caalami ah, haddana ey dhibaatooyin ka geysteen Soomaaliya duruufo hore oo jiray awgeed. Wuxuu hoosta ka xariiqay in kooxahaasi ey daaha ka rogeen dabeecadooda dhabta ah, isla markaana Soomaalidu ey si aad ah u aqoonsan tahay in ficillada ururadaasi aysan waafaqsanayn qiyamka iyo xaqiiqada Soomaaliya. Ma jirto meel Argagixisanimo, ayuu yiri Maxamuud. Wuxuu sheegay in dalka uu doonayo inuu cod u noqdo dowladaha kale ee wajahaya caqabadaha la mid ah Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in caalamka ey ka guurayaan mabda’a iyo mabda’a ey ku dhisan yihiin, isagoo xusay in dalalka horumaray ey inta badan la halgamaan sidii ey danahooda u suuqgeyn lahaayeen. Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ey si firfircoon ugu gudbineyso danaheeda qaran quwadaha caalamka iyo kuwa gobolka iyo sidoo kale dowladaha deriska ah, iyadoo dantaas u dejisay qaab ey labada dhinac uga faa’ideysanayaan wada xaajoodka. Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ey leedahay kheyraad qaali ah iyo goob istaraatiiji ah, balse habacsanaanta hay’adaha dowliga ah awgeed, inta badan jilayaasha kale aysan diiradda saarin waxa ey ku soo kordhin karaan Soomaaliya, balse ey diiradda saaraan waxa ey soo saari karaan. Isagoo ka hadlayay baahida loo qabo isbedello waara, Maxamuud ayaa intaas ku daray in iyadoo qayb ka ah Midowga Afrika, Soomaaliya ey ku sii soconayso ajendaha Hiigsiga 2063-ka, ayna ka shaqeynayso sidii Afrika loogu beddeli lahaa goob ganacsi oo xor ah.
Xiriirka Soomaaliya, Itoobiya
Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah dal deris ah ey wadaagaan taariikh soo jireen ah oo marar badan colaado ka jirtay, taasoo qayb ka qaadatay in labada dhinacba ey sii daciifaan muddo ka dib. Waxa uu sheegay in xiisadaha jira awgeed in si weyn diiradda loo saaray arrimaha ciidamada iyo difaaca, taasoo keentay in afgambi iyo kacdoono. Maxamuud ayaa ku tilmaamay baaqii Ankara oo ey Soomaaliya iyo Itoobiya ku kala saxiixdeen fursad qaali ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalka wanaagsan ee labada dal. Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ey yeesheen booqashooyin iyo is-dhaafsi. Isagoo tilmaamay in kulan kale oo ey ku lug leeyihiin labada dal uu ka dhici doono Turkiga, Maxamuud wuxuu sheegay in wada-xaajoodyadu ey socdaan, balse aysan labadooduba raadin colaad. Dhanka xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, Maxamuud ayaa xusay abaar daran oo ku dhufatay dalkiisa sannadihii 2010-2011, taasoo keentay khasaare nafeed oo la taaban karo, ayna qayb ka qaadatay caqabadaha ammaanka. Marka laga yimaado dhibaatooyinkaas, waxa uu xusay in Ra’iisul Wasaarihii xilligaas iyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Recep Tayyip Erdogan ey booqasho ku tageen Soomaaliya isaga iyo qoyskiisa iyo Golihiisa Wasiirada, isagoo u muujiyay caalamka in Soomaaliya ey tahay mid la gaari karo oo aysan ahayn meel cidlo ah oo laga tago. Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in arrinta ugu weyn ee Soomaaliya aysan hadda ahayn macaluul, balse ey tahay Argagaxisada, wuxuuna carrabka ku dhuftay taageerada Turkiga -- bixinta tababarrada, tignoolajiyada iyo la-talinta ciidamada ammaanka. Turkiga ayaa xiriir aad u xooggan kala dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Ankara ey taageertay waqtiyo kala duwan iyo waqtiyo adag Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in arrinta Falastiin ey tahay mas’uuliyad akhlaaqeed iyo mid diineed, Soomaaliyana aysan marnaba ka tanaasuli doonin arrintan. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ey leedahay in la gaaro xal nabadeed oo labada dal ah. Isagoo ka hadlayay sheegashada ku saabsan qorshe la filayo in Falastiiniyiinta dib u dajin loogu sameeyo Somaliland, oo keli ah ku dhawaaqday iney ka go'day Soomaaliya 1991-kii, wuxuu sheegay in gobolka uu ka tirsan yahay Soomaaliya. “Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, mana jirto cid weligii Soomaaliya u soo dhawaysay iney dadka Falastiiniyiinta ah ku soo dhaweeyaan dhulkooda, xal uma aragno, ma aha in cid aqoonsanayso iyo in aanay aqoonsanayn, balse fikradda ah in Falastiin laga saaro dhulkooda oo la geliyo dhul kale oo ey dad kale leeyihiin, anigu ma arko in taasi xal tahay haba yaraatee, haddiise xal laga gaarayo, in sidaas la wada hadlo ama si kale Falastiin lagu wada hadlo. Dhul, waxayna ku noolaayeen dhulkaas kumanaan sano," ayuu yidhi.
ISHA-AA.