320-QOF OO LAGU DILAY DALKA SUDAN.

(SAWIRKA)-GAWAARI LAGU GUBAYA SUDAN.

(SUDAN)-Ugu yaraan 320 qof ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada deg degga ah ee RSF ey ku qaadeen magaalada El Fasher ee dalka Suudaan iyo nawaaxigeeda ee Waqooyiga Darfur, koox maxalli ah oo iska caabin ah ayaa ku dhawaaqday horaantii Axadda maanta ah. War qoraal ah oo ey soo saartay Isku-dubaridka iska caabinta El Fasher, oo ah guddiga aasaasiga ah, ayaa lagu sheegay in duqeymihii RSF ee Sabtidii ey sababeen dhimasho sii kordheysa iyo xaalado bini'aadantinimo, gaar ahaan xerada Zamzam, halkaasoo adeegyadii caafimaadka ey gabi ahaanba burbureen. "Dhammaan isbitaallada waa la xiray, dhammaan shaqaalaha caafimaadka iyo mutadawiciinta xerada waa la dilay," ayay guddiga sheegeen, iyagoo ka digay in dhimashadu ey sii kordhayso iyadoo shan qof oo dhaawac ah ey saacad walba dhimanayaan sababo la xiriira daryeel caafimaad iyo maqnaanshaha kooxaha gurmadka. RSF ayaa weerarkeedii ugu dambeeyay ka bilowday El Fasher May 10, inkastoo digniinaha caalamiga ah ee ku saabsan rabshadaha ka soo cusboonaaday magaalada, oo u adeegta xarun bini'aadantinimo oo muhiim u ah dhammaan shanta gobol ee Darfur. Sabtidii, Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegtay in dagaalyahannada RSF ey toogteen 10 shaqaale caafimaad ah muddo 48 saacadood ah. War qoraal ah oo ka duwan, Isuduwidda Guud ee Barakacayaasha iyo Qaxootiga ee Darfur, oo ah koox kale oo aasaasi ah, ayaa sheegtay in madaafiicda RSF ey la beegsadeen xerada Abu Shuk intii lagu jiray salaaddii Maqrib ee maqribnimadii Sabtida, halkaas oo ey ku dileen dad badan oo rayid ah oo barakacayaal ah. Horaantii maalintaas, duqeymo culus oo lagu qaaday isla xeradaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof oo rayid ah, tiro kalena waa ey ku dhaawacmeen, iyadoo aan la helin gurmad degdeg ah, sababo la xiriira burburka nidaamka caafimaadka, ayay kooxdu sheegtay. Guddiga wax iska caabinta ayaa RSF ku eedeeyay iney si bareer ah u bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee aan hubeysneyn, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha. Waxa ey sidoo kale soo saartay baaq bini'aadantinimo oo deg deg ah oo ey u dirtay Hay'adaha Caalamiga ah iyo kuwa gobolka si ey gargaar u fidiyaan oo ey furaan waddooyin nabdoon oo lagu daadgureeyo dadka rayidka ah. RSF si toos ah ugama eysan hadlin xaaladda, laakiin bayaan ey soo saartay fiidnimadii Sabtida, kooxdu waxay ku celisay "sida ey uga go'an tahay ilaalinta rayidka iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada." Dhanka kale, ciidamada Sudan ayaa Sabtidii sheegay in tirada dhimashada weerarada joogtada ah ee RSF ey ku hayso dadka barakacayaasha ah ee Ceel Fasher ey kor u dhaaftay 25 ilaa 74. Tan iyo 15-kii Abriil, 2023, RSF waxa ey dagaal kula jirtay ciidammada Suudaan si ey u maamulaan waddanka, taas oo sababtay dhimashada kumannaan qof iyo mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka. In ka badan 20,000 oo qof ayaa la dilay, 15 milyan oo kalena waa ey barakaceen, sida ey sheegeen Qaramada Midoobay iyo maamullada maxalliga ah. Cilmi-baaris ey sameeyeen aqoonyahanno Mareykan ah, si kastaba ha ahaatee, waxay ku qiyaaseen tirada dhimashada ku dhawaad ​​130,000.

ISHA-AA.

Previous
Previous

BOOLISKA JARMALKA OO TOOGTAY NIN…

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY ANTALYA