BOOLISKA JARMALKA OO TOOGTAY NIN…
(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.
(BERLIN)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Jarmalka ee Beerlin ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay weerar loo adeegsaday Tooreey uuna geystay nin ey markii dambe ey toogasho ku dileen ciidamadda Booliska. Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha magaaladda Beerlin ayaa sheegay in subaxanimadii Axadda maanta ah uu geeriyooday ninkii geystay weerarka loo adeegsaday Tooreyda ee dhacay shalay oo Sabti ahayd ninkaaso ey toogteen ciidamadda Booliska. sida ey sheegayaan warar hordhac oo la helay,dagaal u dhexeeya laba nin ayaa shalay galab ka dhacay saldhiga Tareenka ee Sophie-Chalotteplatz ee galbeedka caasimadda Jarmalka ee Beerliin. Mid ka mida labada nin ayaa midka kale ku weeraray Mindi,isaga oo gaarsiiyey dhaawac aad culus. Kooxaha gurmadka ayaa ku guuleystay iney kal saaraan labada qofood balse ninkii la Tooreeyey ayaa markii dambe geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Afhayeenka Booliska ayaa sharaxay in dembiilaha uu u cararay wado weyn oo u dhaweed halka shilku uu ka dhacay,halkaso uu ugu hanjabay ciidamadda Booliska isaga oo Mindidiisa dhulka ku garaacaayo. Booliska ayaa dhawr xabadood ku dhuftay, waxaane loo qaaday isbitaalka waxaane lagu sameeyey qaliin deg deg ah ka hor inta uusan dhiman. Ilaa iyo hadda lama garanaayo sababaha keenay khilaafka labada nin,waxaane socdo baaritaan ey wado qeybta dilalka ka dhaca dalka Jarmalka.
ISHA-AL-ARABIYA.