MAWAADIN SOOMAALIYEED OO LAGU DILAY DALKA K/AFRIKA.

(SAWIRKA)-MARXUUMKA LAGU DILAY K/AFRIKA.

(K/AFRIKA)-Wararka laga helaayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegayo in halkaasi toogasho lagu dilay Mawaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee halkaasi ka shaqeysata,wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo C/raxmaan Maxamud Siyaad. Weerarka ayaa ka dhacay magaaladda Caasimadda ah ee Johannseburg,waxaane fuliyey dhallinyaro hubeysan kuwaso aan heybtooda la garneyn,sida laga daawaday Video la soo dhigay Baraha Bulshada, weerarka ayaa ahaa mid la si qorsheyey lana fuliyey waayo gaari yar oo midabkiisu yahay cadaan ayaa soo istaagay ku aadka goobta ey ka dhacday toogashada, waxaane yimid gaari kale ey saarnayeen dhallinyarada fulisay toogashada waxa uuna ku baarkimay wadada dhinaceeda midig, waxaane ka soo baxay wiil ku hubeysan hub fudud,wax uuna si daran doori ah rasaasta u huwiyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku signeed afka hore ee goobahooda Ganacsiga,waxa eyna rasaastii ku dhacday wiilka u geeriyooday rasaastii la huwiyey. Ciidamada booliska magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay,waxa eyna sheegeen iney barayaan dhacdada iyo burcadii ka dambeysay,kuwaaso halkaasi ka sameeyey hawgallo xoogan. Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka K/Afrika ayaa dhibaato xoogan waxa ey ku qabaan weerarada hubeysan ey u geystaan burcada dalkaasi joogto,waxaane marar qaar la maqlaa iney dhallinyaro Soomaaliyeed ey qeyb ka yihiin weerarada hubeysan ee ka dhaca K/Afrika lagu dilo dad Soomaaliyeed. Ma jirto cid loo soo xiro amaba loo toogto dilalka loo geysto Soomaalida ku nool K/Afrika.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

WASIIR CALI BALCAD OO CADEEYEY IN SOOMAALIYA EY…

Next
Next

BOOLISKA JARMALKA OO TOOGTAY NIN…