WASIIR CALI BALCAD OO CADEEYEY IN SOOMAALIYA EY…
(SAWIRKA)-WASIIR CALI BALCAD.
(ANTALYA)-Wareysi uu siiyay TV-ga dalka Turkiga laga leeyahay ee TRT ayuu Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) waxa uu sheegay in Soomaaliya ey u soo bandhigtay dalka Mareykanka dib u cusboonaysiinta heshiis dhanka difaaca ah oo ey kala saxiixdeen dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka Sanaddii 1980-kii, Wasiir Balcad ayaa sheegay in cusbooneysiinta heshiiskaas uu dalka Mareykanka siinaayo iney helaan Saddex dekedood oo Waa-weyn oo ey u isticmaali karaan Cirka iyo badda Soomaaliya, kuwaasi oo ku kala yaalla magaalooyinka Berbera, Kismaayo iyo Muqdisho. “Waxaan diyaar u nahay iney Ciidamada Mareykanka isticmaalan Dekedaha iyo Garoomada sadexda magaalo wixii kale oo ey nooga baahdaana diyaar ayaan ula nahay” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya Md.Cali Balcad. Sidoo kale Cali Balcad ayaa sheegay in Mareykanka ey xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada, islamarkaana ey Soomaaliya ey heli doono taageero weyn, si loo wiiqo awooda kooxaha Argagixisada. Wareysi uu bixiyay Wasiiru Dowlaha ayaa imaanaya, xili dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ey warqad u dirtay dalka Mareykanka 16-ka bisha Maarso ee sanadkan 2025, taasoo ey ku wer-gelisay iney diyaar u tahay in dalka Mareykanka ey siinayso Saldhigga Ciidan iyo dekad ey isticmaalaan. Madasha Diblomaasiyadda Anatalya waa shir sannadle ah oo looga hadlayo diblomaasiyadda Caalamiga ah oo lagu qabto magaaladda Antalya ee dalka Turkiga tan iyo sannadkii 2021-kii. Inta ey socoto Madasha ayaa waxaa la isku weydaatsadaa fikrado iyo aragtiyo la xiriira diblomaasiyadda,Siyaasadda iyo Ganacsiga,waxaane ka qeybgala Siyaasiyiin,dibLomaasiyiin,Aqoonyahano iyo Hogaamiyeyaal isaga kala yimid Caalamka daafihiisa. Sida ey sheegtay dawladda Turkiga oo martigelisay Madasha,waxaa ka soo qeybgalay 21-Hogaamiye Dawladeed, 5-Ku-Xigeeno, 64-Wasiir, 2-Gudoomiye Baarlamaan, 2-Hogaamiye dhula madaxa banaan iyo 61-Wakiilo ka kala socday Hayado Caalami ah.
ISHA-SB-MEDIA.