MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY WEERARKII…
(SAWIRKA)-MW-DR.XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(MUQDISHO)-Hawlgal ey si wadajir ah ey isaga kaashadeen Dawladaha Soomaaliya iyo Maraykanka oo lagu beegsaday Horjoogayaasha sare iyo xubno ka tirsan kooxda Daacish(ISIS) ayaa ka dhacay buuraaleyda Gobolka Bari ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa bogaadiyey hawlgalka Maraykanka waxa uuna yiri”Hawlgalkaan lagu beegsaday Hogaanka Sare ee kooxda Daacish(ISIS) waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Maraykanka iyo Soomaaliya ee la dgaalanka Argagixisada,taasoo gacan ka geysaneysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeyna iyo tan Gobolka guud ahaan,waxaan si qoto dheer ugu mahad celinayaa Dawladda Maraykanka”. “Hawlgalka waa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awooda Hogaanka iyo awooda hawlgalka kooxda Daacish(ISIS) taaso si toos ah u dhaawacaysa kartidooda fulinta falalka Argagixisada”ayaa mar kale lagu yiri war ka soo baxay DFS. Beegsiga shaqsiyaadka muhiimka ah ee kooxda Daacish waxa ey xoojineysaa sida Soomaaliya iyo Maraykanka ey uga go’an tahay sugidda Amniga,Xasiloonidda Gobolka iyo ka hortaga fidintaanka kooxaha xagjirka ah si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ey soo dhaweyneysaa dadaaladda iyo ka go’onaanta adag ee Maraykanka ee la dgaalanka Argagixisada,waxayna adkeyneysaa sida ey uga go’an tahay wada shaqeynta joogtada ah ee ey la leedahay saaxibadda caalamiga ah si looga hortago halista Argagixisada. Wadajir waxa aan u sii wadi doonaa burburinta shabadaha xagjirka ah,xoojinta hawlagaladda Amniga iyo dhisidda mustaqbal xor ka ah Argagixisada.
ISHA-GOOBJOOG.