MARAYKANKA OO KA HADLAY DUQEYN KA DHACDAY…
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA WEERARAY DAACISH.
(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Taliska Afrika ee Ciidamadda Maraykanka(AFRICOM) uu duqeyn xoogan ka geystay Gobolka Bari ee DG Puntland ee DFS,duqeyntaan ayaa waxaa war kooban ka soo saartay ARFICOM waxa uuna u qornaa sidan”Taliska AFRICOM,Isagoo kaashanaayo Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu Taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika(AFRICOM) qaadey duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish-ta Soomaaliya maanta oo sabti ah kuna beegan 1/2/2025-ka. Qiimeynta hordhaca ah ee Taliska ayaa lagu sheegay in lagu dilay saraakiil ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya,ma jiraan wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka Rayidka ah. Taliska Ciidamadda Maraykanka ee Afrika(AFRICOM) ayaa qaaday tallaabooyin waa weyn si looga hortago waxyeeladda dadka Rayidka ah. Ilaalinta Rayidka ayaa ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah hawlgaladda AFRICOM si uu u horumariyo Afrika Amaan badan oo xasilloon. Taliska Ciidamadda Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sii wedi doona qiimeynta natiijada hawlgalkan,waxa uuna bixin doonaa faahfaahin gaar ah,lagamana bixin wax war ah sida hawlgalka loo soo agaasimay si loo sugo amaanka hawlgalka”. Arrintaan ayaa isna waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump,waxa uuna qoraal soo dhigay Barta X ee horay loogu yaqiin Twitter-ka, MW-Trump ayaa qoraakiisa ku yiri”Saakay waxa aan amar ku bixiyey in si sax ah loo duqeeyo qorsheeyayaha weerarada Daacish iyo Argagixisada kale ee uu ka qorto uu hogaamiyo. Gacan ku dhiiglayaasha oo aanu helnay in ey ku dhuumaaleysanayaan godad ayaa u hanjabay Maraykanka iyo Xulufadayada. Duqeynta ayaa lagu burburiyey godad ey ku noolaayeen waxaane lagu dilay Argagixiso badan oo aan sinaba waxyeelo ugu geysan dadka rayidka ah. Mileterigeynu waxa uu bartilmaameedsanayey qorsheeyaha weerarka ISIS muddo sannada ah,laakin MW-Biden iyo saaxbadiis si dhaqso ah uma dhaqmin doonaan si ey shaqada u qabtaan,waan sameeyey! Farinta ku socoto ISIS iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa Maraykanka ayaa ah “WAAN KU HELI DOONAA WAANE KU DILI DOONAA”.
ISHA-SB-MEDIA.