DIYAARAD SIDAY BUKAAN OO KU BURBURTAY…

(SAWIRKA)-GOOBTA EY DIYAARADDA KU BURBURTAY.

(USA)-Wararka laga helaayo Degmada Philadelphia ee Gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Diyaarad nuuca bukaanka qaada ah eyna saarnaayeen ilaa lix qofood ey ku burburtay meel u dhaw goobta laga Suuqeysto ee Roosevelt Mall oo ku taalo Waqooyi-Bari Phildeldhia fiidnimadii Jimcihii shalay ahaa,mana la filaayo in shilkaasi ey cidi ka badbaaday,sida uu sheegay hawlwadeenka diyaaradda burburtay. Diyaaradda burburtay oo nuuceedu ahaa Jet Rescue Air Ambulance oo ah shirkad ku shaqeysata diyaaradaas ayaa xaqiijisay in diyaaradda ey u kireysneed Bukaan Caruur ah iyo caruur gelbineysay,waxaane la socday afar shaqaale ah oo ey ku jiraan duuliyihii diyaaradda, kaaliyihii diyaarada,takhatar iyo kaaliyeyaal caafimaad. “Walaacyadda deg dega ah waa qoyska bukaanka shaqaaleheyna qoysaskooda,iyo dhibanayasha kale ee laga yaabo in lagu dhaawacay dhulka”ayey shirkadu ku sheegtay hadal ey soo saartay uuna soo xigtay Tv-ga Maraykanka laga leeyahay ee NBC-NEWS. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Mexico ayaa xaqiijisay in dhammaan lixdii qof ee saarnaay diyaaradda burburtay ey u dhasheen dalka Mexico. Ilmaha ey siday diyaaradda burburtay ayaa dalka Maraykanka loo keenay “Naf Badbaadin”,sida uu sheegay afahyeenka shirakadda iska leh diyaaradda buurburtay Shai Gold.

ISHA-AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO KA HADLAY DUQEYN KA DHACDAY…

Next
Next

XAMAAS OO SII DEYSAY MAXAABIIS REER ISRA’IIL AH.