S/G.ODAWAA OO TABABAR U SOO XIRAY DANAB.

(SAWIRKA)-DUGSIGA TABABARKA BALI-DOOGLE.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Dugsiga Tababarka Ciidamadda Kumaandooska Danab ee Bali-Doogle G/shabeeladda ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta gaaray Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage,ujeedka Taliye Odawaa ayaa lagu sheegay inuu yahay inuu u soo xiro Tababar Dufacadii 11-aad ee Kumaandooska Danab ee Xooga Dalka Soomaaliyeed. Inta uu ku sugnaay Xeradda Bali-Doogle ee G/shabeeladda Hoose,Taliyaha CXDS S/G.Odawaa ayaa kormeeray Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Danab,waxa uuna dhiigelin ujeediyey ciidamadda cusub ee Danab ee Tababaraka loo xiray,waxa uuna carabka ku adkeeyey muhimadda ey Ciidamadda Danab u leeyihiin difaaca dalka iyo qeyb qaadashada dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada Daacish iyo AL-shabaab. Tan iyo markii dib loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed S/G.Odawaa ayaa weday hawl adag uu ugu kuur gelaayo xogta hoose ee CXDS gaar ahaan ciidamadda haysta tababrka gaarka ah sida GORGOR iyo DANAB oo ah kuwa loo carbiyey jebinta kooxaha Argagaixisada AL-shabaab iyo Daacish.

ISHA-SNA.

Previous
Previous

URURADDA SADC IY EAC OO KA SHIRAY XAALADDA DRC.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY WEERARKII…