MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY QAADISTA CUNAQABTEYNTA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Arbaca ah Muqdisho kaga qeybgalay Munaasabad ku saabsan Guusha Taariikhiga ah ee Qaadista Cunaqabateynta Hubka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxda Soomaaliyeed laga rabi iney masuuliyad iska saaraan sidii looga soo bixi lahaay masuuliyadaha ka dhallan kara Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya,waxa uuna MW-Xasan ka dhawaajiyey in adduunka uusan ka Qoomameyn Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya laga qaaday. Jimcihii la soo dhafay ayey ahayd markii dalka soomaaliya si buuxda looga qaaday Cunaqabteynta Hubka taaso soo jiitamaysay muddo dhan 31-sano,waane cunaqabteyntii ugu waqti dheereed Abid ee Qaramada Midoobe ey saaro dal adduunka ka tirsan.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DUQEYN KA DHACDAY SAAKAW IYO BU’AALE OO…

Next
Next

ISIMADDA SSC-KHATUMO OO KA SOO QUUSTAY DENI.