ISIMADDA SSC-KHATUMO OO KA SOO QUUSTAY DENI.
(SAWIRKA)-ISIMADDA SSC-KHAATUMO.
(GARAWE)-Waxa aan la soconaa in dhibaato xoogan oo sababtay gacan ka hadal uu dhexmaray maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mucaaradka maamulkaasi,hadaba kulankii Madaxweyne Deni,Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash iyo Isimadda dhaqanka SSC-Khatumo ayaa ku soo dhammaaday QUUS iyo Rajo Beel. Isimadda dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa u taag waayey Madaxweyne Deni ka dib markii uu dhegaha ka fureystay talooyinkoodii waxa uuna Deni ku adkeystay inuusan wada xaajood hadda kala geleyn Mucaaradka arrimaha Doorashada 2024-ka,wuxuuna sheegay ineysan caqli gal ahayn in dawaldda Puntland qoorta u dhiibato Mucaaradkeeda. Madaweyne Deni ayaa ku adkaystay inuu Puntland ka hirgeliyo Nidaamka Dimuqaraadiyadda Puntland oo talada Dwaladda Puntland gacanta shacabka lagu celiyo iyaguna Qof iyo Cod ku soo doortaan Madaxweyne, Madaxweyne ku Xigeen iyo Gudoomiye Baarlamaan. Mucaaradka Puntland ayaa ku doodaayo iney ka jawaab sugayaan Isimadda dhaqanka SSC-Khaatumo oo ey horay ugu qoordhiibteen in kastoo ey iska diideen gudi uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Deni si ey ugala xaajoodaan doorashada Qof iyo Cod iney ka dhacdo dawlad Gobleedka Puntland. Dhinaca kale,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaayo in Madaxweyne Deni uu ka soo guuri doono magaaladda caasimadda ah ee Garawe waxa uuna soo degi doonaa ayaa la leeyahay Xero ciidan oo ku taalo Garoonka diyaaradaha Boosaaso halkaasne ey Deni u noqon doonto Madaxtooyada inta ka hartay waqti xileedkiisa ku eg 8/1/24-ka.
ISHA/KILWE MEDIA.
BOSASO/PUNTLAND.