PUTIN OO BOOQAN DOONO DALALKA KHALIIJKA CARABTA.

(SAWIRKA)-MW-PUTIN.

(MOSCOW)-Wararka ka imanaayo caasimadda daka Ruushka ee Moosko ayaa sheegaayo in Madaxweynaha dalka Ruushka Faladamiir Buutin uu berri oo Arbaca ah kuna beegan 6/12/23-ka uu booqan doono laba dal oo ka tirsan wadamadda Khaliijka ee lixda kalana ah Boqortooyadda Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,sidaas waxaa laga soo xigtay Aqalka looga arrimiyo dalka Ruushka ee Karemilinka. Dalka Ruushka ayaa baadi goob waxa uu ugu jiraa sidii uu u heli lahaay wadammo awood leh isagana xulafo la ah si uu Ruushka isaga difaaco weerarada kaga imanaayo dhinaca wadamadda reer Galbeedka ee uu hogaamiyo dalka Maraykanka. Dalalka reer Galbeed ayaa Ruushka saaray cunaqabateyn ey u sabab tahay dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Yukrayn.

ISHA/VOQ-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ISIMADDA SSC-KHATUMO OO KA SOO QUUSTAY DENI.

Next
Next

ALSHABAAB OO WEERARTAY SALDHGIYO CIIDAN.