DUQEYN KA DHACDAY SAAKAW IYO BU’AALE OO…

(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA KOOXDA ALSHABAAB.

(BU’AALE)-Wararka inaga soo gaarayo caasimadda Gobolka Jubadda Dhexe ee Bu’aale ayaa sheegayo in halkaasi ey ka dhacday duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab iyo xarumo kooxdu isticmaasho diyaarinta Waxyaabaha Qarxa ee lagu halaago shacabka. Duqeynta oo ahayd mid lagu bartimaameedsanayey guryo ku kala yiilay degmooyinka Bu’aale iyo Saakaw guryahaaso sida xogta lagu helay ey ku sugnaayeen Sarkiil sar sare eyna ku jireen Ajaanib,balse weli lama helin war ku saabsan khasaaraha uu gaystay weerarka lagu qaaday kooxda Alshabaab ee G/jubadda dhexe,mana aha markii ugu horeysay ee kooxda Alshabaab lagu weeraro degaano ka tirsan G/jubadda dhexe. In kooxda loo diido nasiino ayaa ah mid hoos u dhigayso wiiqaysana awooda ey kooxdu yeelan lahay ineyd gaysato weeraro ka dhan ciidamadda DFS iyo kuwa Midawga Afrika ee Atmis.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

UK OO SOOMALIYA UGU DEEQDAY DHAQAALE DHAN…

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY QAADISTA CUNAQABTEYNTA.