MW-XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY SHIRKII 15-AAD EE..

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO MADAXA AKADEEMIYADDA.

(MUDISHO)-Wararka aan ka heleyno casimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta oo Sabti ah uu daah furay Shirweynihii 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya,kaaso Muqdisho lagu qabtay 35-sano ka dib. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa dul istaagay ahmiyadda ey Dawlad Dhiska iyo soo Kabashada Qaranka Soomaaliyeed ey u leedahay,in hab Cilmiyeysan loo Derso Caqabadaha ku gudban Horumarka Dawladnimo,Dhaqaalaha iyo Aqoonta Ummadda Soomaaliyeed,isagoo tilmaamay iney DFS ey ka go’an tahay garab istaaga Aqoonyahanadda iyo Cilmi Baarayaasha Soomaaliyeed,si xal waara loogu helo Mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka Dawlada Dhiska ee aan ku soo jirnay tan iyo burburkii,mar waliba waxa aan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta Mufakiriinta Soomaaliyeed oo markiisii ugu horeysay la qabtay sannadkii 1979-kii ayaa sannadkaan 2024-ka waxaa ka qeybgelaayo in ka badan 400-Ergo kuwaaso isugu jira Aqoonyahano Soomaaliyeed,Cilmi Baarayaal Caalami ah iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Jaamicadaha Geeska Afrika,waxaane gabagabada shirka laga soo saari doonaa Daraasado ku saabsan Horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

BASHAR AL-ASAD WALAAKIIS MAHIR OO KA GANAC…

Next
Next

RW-XAMSE OO DAAH FURAY SHIR LOOGA HADLAA..