BASHAR AL-ASAD WALAAKIIS MAHIR OO KA GANAC…

(SAWIRKA)-GOOBTA DAROOGA KABTAAGO LAGU SAMEYNAYEY.

(DIMISHIQ)-Waa wax ka dhici karo magaaladda caasimada ah ee Muqdisho waxa ka dhacay caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq,waxaa la helay dhismo Villa ah uu iska leeyahay wiil la dhashay Madaxweynihii Suriya ee Xukunka laga tuuray Bashaa AL-Asad lana yiraahdo Maahir AL-Asad,ma maleyn kartid waxa loogu tegay Villa-da dhexdeeda,waxaa loogu tegay Warshad sameeysa Daroogadda loo suuq geeyo wadamadda Bariga dhexe sida Sacuudiga, Lubnaan iyo Urdun. Guri Villa ah oo ku yaalo caasimadda Suriya ee Dimishiq ayaa Axada maanta ah la ogaaday inuu yahay xarun laga soo saaro Daroogada taaso xiriir la leh Maahir AL-Asad oo ah walaalka hogaamiyihii xukunka laga tuuray ee Bashaar AL-Asad. Tan iyo markii uu burburay nidaamkii Xisbiga AL-Bacthi ee in mudda ah soo xukumaayey dalka Suriya 8-dii bishaan Diseembar,xarumaha wax soo saarka Daroogada ee Suriya ayaa si joogta ah uga hawlgeli jiray, gudaha Villa-da ayaa loogu tegay qolal ey ka buuxaan tobanaan fuusto oo ey ka buuxaan Alaabta Ceyrin ee laga sameeyo Daroogada iyo Makiinadiha loo isticmaalo soo saaridda Daroogada. Waxaa soo ifbaxday in taliskii hore ee Bashaar AL-Asaduu la wareegay guryo Villa ah oo ey lahaayeen dad rayid ah kuwaaso laga dhigtay goobaha lagu sameeyo Daroogada. Sida laga soo xigtay muuqaalo la daawaday,qaar ka mid ah qalabka loo isticmaalo soo saarista dawooyinka ayaa markii hore waxaa loogu talagalay wax soo saarka daawadda. Taliska xukunka laga tuuray ayaa la sheegay inuu balaayiin doolar uu ka soo xareeyey ka Ganacsiga maandooriyaha taaso ka mid ahayd ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan. Shabakadaan wax soo saarka Daroogada iyo Tahriibinta ee uu maamulo Maahir AL-Asad ayaa fududeysay in Maandooriyaha laga soo saaro dalka Suriya,waxaane ugu horeeyo dalka Lubnaan halka loo suuq geeyo Daroogadaas iyo Suuqyada kale ee Gobolka Bariga dhexe iyo kuwa Caalamka. Maahir AL-Asad oo ahaa ninka labaad ee ugu awooda badan maamulka Xisbiga AL-Bacathi iyo Qoyskiisa,Maahir waxa uu haystay darajo u dhiganta Major General iyo taliyaha Qeybta 4-aad ee Ciidamadda dalka Suriya. Maahir AL-Asad waxa uu caan ku ahaa xeeladihiisa waxashnimada ah,waxa uuna ka qeyb qaatay xasuuqyo dhawr ah intuu Qoyskiisa talada dalka Suriya haayey. Marka laga soo tago doorkiisa Mileteri,Maahir AL-asad waxaa loo aqoonsaday inuu yahay Maskaxdii ka dambeysay ka Ganacsiga Daroogada ee u dhexeeyo dalalka Suriya iyo Lubnaan. Bashaar AL-asad oo gacan bir ah ku xukumaayey dalka Suriya muddo ku dhaw 25-sano ayaa u baxsaday dalka Ruushka 8-dii bishaan Diseembar ka dib markii kooxaha mucaaradka ee isaga ka soo horjeeday ey gacanta ku dhigeen magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq. La wareegidda caasimadda Dimishiq ayaa timid ka dib markii dagaalyahanada kooxda Hayat AL-Taxriir AL-shaam HTS ey qabsadeen magaalooyin muhiim ah kuna yaalo dalka Suriya,weerar deg deg ah oo socday wax ka yar todobaad.

ISHA.AA.

Previous
Previous

ERDOGAN OO KU SOO WAJAHAN SOOMAALIYA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY SHIRKII 15-AAD EE..