RW-XAMSE OO DAAH FURAY SHIR LOOGA HADLAA..

(SAWIRKA)-RW-XAMSE OO KA QEYBGALAY…

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaaladda Muqdisho waxa uu ka daahfuray Shirweynaha ka Hortaga iyo la Dagaalanka Argagixisada. Reysal Wasaaraha ayaa sheegay in lacagta la siiyo Argagixisada ey khatar ku tahay DIINTA,AMNIGA,BULSHADA iyo Dawladnimada,isla markaasne lagu dhiirigelinaayo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed. “Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeynu shaqeyn lahaa,xilligii aan dullinimada ka bixin lahayn,Alshabaab waa in banaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadawga”. Reysal Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay buslshada Soomaaliyeed in DFS lagu taageero ciribtirka AL-shabaab iyo kuwa maalgeliya,isagoo uga digay Ganacsatada in cadawga ey ku taageeraan dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed”.

Dhinaca kale,Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan gaar ah oo uu shir Gudoomyey Reysal Wasaare ku xigeenka 1-aad Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah Qodobada Dastuurka ee dib u eegista lagu sameeyey iyo kuwa horay loogu sameeyey. Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Gudiga Arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka JFS ayaa Golaha Warbixin ka siiyey halka ey marayaan wada tashiyadda ku aadan dib u eegista Qodobadda 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda iyadoo uu Goluhu su’aalo ka weydiiyey isla markaane aragtidooda ku biiriyey Cutubyada la soo bandhigay kuwaaso dib u eegis lagu sameeyey.

ISHA-OPM.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY SHIRKII 15-AAD EE..

Next
Next

TAHRIIBAYAAL DOON KULA DEGTAY GIRIIGA.