MW-XASAN SHEEKH OO CAAWA KU HOYANAYA FURIMAHA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO MOQOKORI.
(HIIRAAN/MOQOKORI)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya Jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ayaa caawa kulan kula qaatay degmada Moqokori Hoggaanka Dawlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Saraakiisha Ciidamada Hormuudka u ah Howlgallada Xoreynta dalka. Madaxweynuhu ayaa ka Xogwareystay Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka Ciidamada Jiidda hore, Guulaha iyo Caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay Ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo Guulaha, Baahiyaha iyo Geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed. Ma aha markii ugu horeysay uu Madaxweyne Xasan sheekh uu tago furimaha dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ee ALshabaab,waxa uuna horay u tegay Madaxweyne Xasan Sheekh magaaladda Dhuusamareeb ee ah Caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug si uu u dhiirigeliyo Ciidamada Qaran iyo kuwa degaanka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dh/mareeb ku sugnaa in ka bada hal bil waxa uuna dib ugu soo magaala Madaxda Muqdisho si u sii wato hawlihiisa shaqo. FADLAN HALKAN KALA SOCO WIXI CUSUB.
ISHA-SNTV.