SOOMAALIYA IYO SERBIYA OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO DHIGIISA SERBIYA.
(MUQDISHO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallim Fiqi oo khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo waxa uu sii marayaa muddo 65 sano ah. "Waxaan xoojin doona, korne u qaadi doona xiriirkeena wadaagga ah oo muddada fog jiray" ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Danjire Marko Djuric Wasiirka Arimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka. Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada Serbia ayaa balan qaaday inay dowladdiisu taageero la garab taagantahay dowladda Soomaaliya, "Mar walba Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib gaar ah, waxaan rumeysannahay inaan wax badan wada-qabsan karo" ayuu yiri Marko Djuric. Ugu dambeyn, laba Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo balaariyo fursadaha jira si looga wada faa'iideysto Arimaha dhaqaalaha, Amniga iyo Tiknoolajidda.
ISHA-SNTV.